27th April 2024  admin  Category :

Cutubyo ka tirsan ciidanka Birmad dowladda Puntland oo ka cabanayaa mushahar la’aan, ayaa saaka mudda kooban la wareegay xarunta Bankiga dhexe ee magaalada Boosaaso, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

 

“Markii hore waxaan moodnay dagaal laba dhinac u dhexeeya, dad badan ayaana guryahooda ku cararay. Xataa anigu shaqo ayaan u socday markii rasaastu bilaabatay dib ayaan guriga ugu cararray, runtii khal-khal bay na geliyeen weliba isu’ socodkii gaadiidka baa xirmay ayuu yiri qof goob-jooge ah.

Dhinaca kale, sarkaal ka tirsan ciidanka gadooday, ayaa isna warbaahinta u sheegay in ay dib uga baxeen xarunta Bankiga dhexe ee magaalada Boosaaso oo ay mudda kooban haysteen , kadib markii taliyahooda oo goobta tegay uu u ballan-qaaday, in ay mushaharka iyo xuquuqda kale ee ka maqan si dhakhso ah u heli doonaan.

“Dee waxaan u sheegnay in mushaharka iyo xuquuqda naga maqan nala siiyo, haddii kale aanan fasaxayn shaqada Bankiga, isaguna waa noo ballan-qaaday in aan xaqayaga heli doono sida ugu dhakhsaha badan, markaas baan ka baxnay xarunta Bankiga ayuu yiri sarkaalka.

Xaaladda ayaa hadda ku soo laabatay si caadiya, kadib markii ciidanka lagu qanciyay in ay heli doonaan mushaharka iyo xuquuqda kale ee ka maqan, ayna banneeyeen xarunta Bankiga dhexe ee dowladdu ku leedahay magaalada Boosaaso.

Tan iyo markii la doortay madaxweyna Puntland Siciid Cabdullaahi deni ,waa markii labaad oo ay gadoodaan ciidamada Puntland iyadoo horay u gadoodeen ciidankii joogay tuulada Galgala  laakiin kolkii dambe lagu qanciyay in ay xuquuqdooda heli doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*