12th May 2024  admin  Category :

Haddii Sheekhaagu yahay Aadan Siiro, siyaasigaaguna yahay Waraabe, Soomaalina aad ka aragtay Indho indho, Sawirrka guriga kuu surana uu yahay mujaahidiin Sahro halgan iyo Maxamed Mooge, ma shaki baa kaaga jira inay sidan Caruurtii ku hoos noolayd  ku danbaynabyaan

Hoos ka daawo Sheekha SNM

Tue Feb 23, 2010 8:27 am

Ninka aadka looga jecel yahay Gobolada Waqooyi ,ayna ugu yeeraan Sheekh adan Siiro ayaa xaflad uu ku qabanayey qatar,intuuna quraanka akhriyin dadka waydiiyey Calankii Somaliland oo sida uu sheegay indhihiisu qaban.

Mooryaankan oo ah nin aad u aaminsan Qabyaalada ayaa salaadaha Jimce wuxuu ku bilaabaa kuna dhameeyaa cayda Marxuumkii Soomaaliya Madaxweynaha ka ahaan jiray Allah ha u naxariistee Maxamed Siiaad Bare.

Xafladii Shalay lacagta loogu ururinayey Ciidanka SNM oo lagu qabtay Doxa ayaa Mooryaankani ka sheegay isaga oo kaftan ka dhigaya in “ayna Indhihiisu qabanayn Calankii Somaliland(Calankii Reer Seekh Isxaaq).

Xafladii ayaa la hakiyey intii laga keenayey Calankii Reerka oo Ninka ay Sheekha ugu yeeraan uu aad u jecel yahay Masaajidada uu ka akhriyo khudbadana uu u suran yahay.

Ninkan ayaa ah mid sidoo kale ka shaqaysta xalwada oo leh dukaan xalwadeed.

Xili aan fogayn isaga oo eedaynaya Riyaale wuxuu sheegay inuu aamusiyey Idaacadihii caruurta Mujaahidiinta oo Dalka keenay Idacado kale.

Dalka Qatar ayey ku nool yihiin Jaaliyada ugu badan oo ka soo jeeda Gobolada waqooyi oo u ololaysa inay Soomaaliya ka go’aan.

Siiro oo la waydiiyey midowga Islaamka wuxuu sheegay inay hada yihiin 57 ayna sugayaan somaliland ay ku noqota 58 Dal

Ugu danbayntii Siiro ayaa ah nin nacalada Madaxdii Daaroodka, isaga oo haba yaraatee aan wax ka sheegin kuwa Dirta waqooyi oo kula nool Magaalada

Allsanaag.com

https://allsanaag.com/anigu-snm-waa-dhaafay-dhurwaa-ayaan-noqday/

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*