29th March 2024  admin  Category :

Dawladda Turkiga ayaa markii dalka ay yimaadeen waxeey xoogga saareen magaalada Muqdisho, iyagoona ka hirgelliyey xarrumo caafimaad, waxbarasho, dhisitaanka waddooyin, dhisitaanka xarunta ugu weeyn ee ciidanka Turkiga ee Qaarada Afrika taas oo lagu tababaro ciidanka beelaha Muqdisho iyo dabcan qalbeenta garoonka diyaaradaha iyo dekedda,.

Dhamaan arrimahan waa kuwo loogu yeeray ineey yihiin kuwo lagu caawiyey ummadda Soomaaliyeed. Horumarka uu Turkig ka hirgelliyey dalka Soomaaliya waa mid ku ekaa oo kalliya magaalada Muqdisho, horrumarkaasina ma aheen mid gobolada kalle ee dalka wax laga siiyey.

Maantana sidoo kalle waxii ay ballan qaadeen dawladda Qatar ayaa lagu wadaa in looga faa’iideeyo Muqdisho iyo nawaaxigeeda, iyadoo ay dheertahay dekedda laga dhisayo magaalada Hobyo. Sidaa daraadeed, waxeey noqoneeysaa wixii dalka Turkiga iyo Qatar ay magaca Soomaali ku bixiyeen in hal beel ay manaafacaadsatay taas oo ah mid u baahan in wax la iska weeydiiyo.

Aaway goboladii kalle ee dalka? Magac Soomaaliyeed ma wuxuu noqday mid dad gaara lagu naas nuujiyo? Dawladda Nabad iyo Nolol la baxday waxeey ballan qaadeen caddaalad, aaway caddaaladii ay ballan qaadeen?

Soomaali waxeey u baahan tahay in si siman wax loogu qeeybiyo. Tusaale lacagta ay ballan qaadeen dawladda Qatar ee ah 200 ee milyan waa in gobolada dalka loo qeeybiyaa si siman.

Puntland                            33 milyan

Maamulka Hargeeysa     33 milyan

Galmudug                         33 milyan

Jubaland                            33 milyan

Koofur Galbeed                33 milyan

Hirshabeele                        33 milyan

Isu dar                               198 milyan

Allsanaag.com

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*