29th March 2024  admin  Category :

Maxaa diiday in Madaxweyne kasta oo ka  Murashaxan Puntland in uu la yimaado ku xigeenkiisa.

Labo arimood oo jirta awgeed  waxa khasab ah  in Dastuurka Puntland waxa laga bedelo,  gaar ahaan sida loo doorto madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Marka hore caalamka intiisa badani,  marka ay doorasho timaado waxay u codeeyaan koox wada  socota oo ah  Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen (Team), kuwaas oo wada shaqayni ka dhaxyso si ay u gaaraan hiigsigii ay lahaayeen to achieve their goal.

Tusaalaha ugu fiicani waa dalka Maraykanka  oo marka Xisbigu ay doortaan Murashaxooda , oo isaguna raadiyo ku xigeenkiisa uu aaminsan yahay inuu la shaqayn karo,  isaga oo la tashanaya siyaasiyiinta Xisbigiisa iyo Asxaabtiisa.

Murashaxa madaxweynnuha Maraykanku  marka uu soo helo ku xigeenkiisa, ayaa iyaga oo wada socda oo koox ah  waxay u wada ordaan madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen. Shacabka reer Americana waxay doortaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay ka helaan siyasaddooda dhaqaale, amni, arimo dibadeed, caafimaad IWM. Kooxda ay ka heli waayaan siyaasadooda  reer America waxay ku yiraahdaan Kab iyo xaarkeed waa laysla tuuraa.

Arinta labaad oo aan tusalaha u soo qaadnayno,  waa  arin aan caddalada  ku ahayn madaxweynaha Puntland ama ku xigeenkiisa oo laysku khasbo  markii horeba dad aan is aqoon oo aan wada shaqayn hore ka dhaxayn. Siyaasiyiinta reer  Puntlandna  intooda badana aqoon labada Murashax. Madaxweynaha Puntland marla dooranayo keligiis ayaa soo baxa sidoo kale madaxweyne ku xigeenku keligiis ayuu soo baxa. Waa waxa reer Hindiya yiraahdaan अलग-अलग alag alag, Soomaalidu tiraahdo keli keli, ingiriiskuna INDIVIDUAL

Tusaalaha labaad ee ugu fiican in Dastuurka Puntland u baahan yahay  in  wax laga bedelo , ayaa waxay tahay  arinta ka dhex taagan madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo ku xigenkiisa Abdihakin Camey oo khilaafkooda sabaabay in dawladdii Puntland ay  curyaanto oo ay shaqayn waydo, Dhaawaca soo gaaray dawladda  Puntlandna ayna   sababtay in reer Villa Soomaliya ay ku soo dhiiradaan faragelinta dawladda Puntland iyo Murashaxiintooda

Ugu danbayntii si Reer Puntland caddalad u helaan iyo koox u shaqaysa, si madaxweynaha Puntland ee Murasharaxani caddalad u helo iyo  ku xigeen la shaqeeya, si ku xigeenka Puntland ee la dooran doonaa  u helo madaxweyne taladiisa qaata waa laga maarmaan in madaxweyne kasta ee ka murashaxan Puntland uu la yimaado ku xigeenkiisa oo Xildhibaada Puntland ay doortaan koox wada socota oo isa soo caashaqday oo jiibta isla heli karta.

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*