
13th July 2026 admin Category :
Guddi ay ka maqan yihiin Beellaha Soomaaliyeed ee dega waqooyiga Soomaaliya ayaa farmaajo magcaabay
Maxamed Cabdirisaaq, oo ah wiil u dhalay Allah ha u naxariistee mid ka mid ah hogaamiyaaashii kacaankii ayaa Madaxweyne Farmaajo u magcaabay hoggaaminaya ergada wada-hadallada xisbiga Nabad & Nolol oo xilligan kulan ay Turkigu dhexdhexaadinayaan la leh Dowladda Federaalka..
1) Maxamed Cabdirisaq – Daarod , Majerteen , Cumar Maxamuud
2) Xildhibaan Xasan Cabdinur Cabdi – Digil & Mirifle , Raxanweyn , Geladle .
3) Siciid Xuseen Ciid – Beesha Shanaad , Carab Salaax
4 ) Xildhibaan Cabdishakur Cali Mire – Daarod , Mareexan , Reer Siyaad Xuseen Cismaan Ducaale
5) Cabdicasiis Ashkir – Hawiye , Habargidir , Cayr
6) Abukaate Xuseen Cabdi Cilmi – Dir , Surre
7) Cabdiraxman Kulmiye Xirsi Cabdiraxman Dheere – , Shiikhal , Reer Aw Qudub
Ergadan waxa ka maqan dhamaan beelihii Soomaaliyeed ee dega Waqooyiga Soomaaliya, si gaar ah waxa uga maqan beesha Isaaq
Puntland & Jubbaland ayaan iyagu maanta ka qayb-gelin wada-hadallada Dowladda & Mucaaridka, iyaga oo ka biyo-diidsan dhexdhexaadinta Ankara, sida ay tilmaameen ilaha Garoowe & Kismaayo.







