17th July 2026  admin  Category :

Maraykanka oo fahmay riwaayaddii kooxda Culusoow ugu dhigayee Muqdisho

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay joojinayso taageerada ay siiso ciidanka AUSOM. Joojinta dhaqaalaha, wuxuu Maraykanka ku sababeeyay in Madaxwaynihii hore oo ah madaxwayne aan sharciyad haysan iyo kooxdiisa ay ku guuldaraysteen la dagaalanka argaggixisada, khillaaf siyaasadeed oo ay dalkii ka abbuureen iyo ku fashilmida in amniga dalka ay kala wareegaan ciidanka Afrikaanka ah ee AUSOM, iyo iyadoo aysan jirin wax qorsha ah oo ay waddo dawladda.

Madaxwaynihii hore ee Xasan Shiikh, meeshii uu ka fakiri lahaa in dalka ciidankiisa uu u diyaariyo kala wareegidda amniga ciidanka AUSOM, uu taa baddelkeeda ku mashquulay weeraridda maamulada kale, dastuurkii dalka oo luu beddeshay iyo diyaarsashada nidaam doorasho oo uu gurigiisa ku soo karkarsaday.

Waxaa dhammaanba laga sii jaystay la dagaalankii Argaggixisada, waxaana taa beddelkeeda lala saaxiibay Isla Argaggixisadii, iyagoona la siiyo lacago baad ah. Dawladdii dhamaydna waxeey ku mashquushay burburinta maamulada, barakixinta shacabka, wiiqida nidaamka federaalka ee ahaa wixii lagu heshiiyey, xirxirista dadka ka fikirka duwan nidaamka sharci darrada ku jooga, iyo dalkii oo dhan oo loo roggay meel koox yar ay awoodii dalka oo dhan ku tagri fashay.

Hadaba, dawaladda Maraykanka markii ay qiimayn ku samaysay sida Xasan Shiikh uu wax ku waddo, waxa ay go’aansadeen in aysan sii taageeri karin mashruuca aan mirro dhalka lahayn ee soo socday tan 2007dii. Waqtigaas maanta waxaa laga joogaa 18 sanno, mana jirto wax la taaban karo oo la gaaray. 

Markii Xasan Culusoow uu maqlay dawladdii maraykanka ayaa joojinaysa lacagtii ayuu billaabay inuu yiraahdo guluf dagaal oo culus ayaan ku qaadayaa aragaggixisada, waana soo afjaraynaa maalmaha soo socda, wuxuuna soo ururiyay xooggaa ciidan ah oo igu sawir ah, isagoo doonaya inaan lacagta la jarin. Xasan ma wuxuu mooday in dawladda Maraykanka ay ku soconayso riwaayadaha uu jilayo? waana laga horeeyaa, waana laga danbeeyaa. Xasana waa nin ay weli u shidantahay riwaayad la yiraahdo “Qabyo Ninkeedaa Dhamaystira” balse waqtiga ayaa Xasan ka dhigi doona mid saaxiga keena, oo geedka uu oradka ku fuulay ka dhigta mid uu orod oga soo degga.

Allsanaag,com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*