26th April 2024  admin  Category :

Barlamaanka Puntland oo Go’aan Ka Gaarey Doorashada 2019.

Kulanka 24aad ee kalfadhiga 41aad oo ah kii ugu dambeeyey ee ay yeelanayaan barlamaanka hadda jira ee Puntland ayaa waxaa xildhibaanadu ay warbixin kaga dhegaysteen gudiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland.

Gudiga doorashada Puntland ayaa shaaca ka qaaday in aysan ku guulaysan in doorasho qof iyo cod ah ay ka qabtaan Puntland haseyeeshee ay codsanayaan in sanadka dambe ay qabtaan doorashooyinka golaha deegaanka.

Golaha wakiilada ayaa dood dheer kadib isku raacay in doorashada madaxtinimada iyo barlamaanka lagu qabto xilligeedii ayna ku dhacdo qaabkii hore, haseyeeshee shaqada ay sii wadaan gudiga doorashada si dowladda cusub aysan ugu mashquulin dhismihiisa shaqaduna aysan u dib dhicin, sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi.

DAAWO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*