29th March 2024  admin  Category :

Guud ahaan qalabkii lagu dhisi lahaa waddada Ceeldaahir  ilaa Ceerigaabo ayaa si buuxda usoo dhammaystirmay

Qalab isigu jira Wershaddii Samaynaysey ama isku qasaysey jayga iyo Daamurka lagu dhisayo Waddada Ceeldaahir Ceerigaabo isla markaan dhowaan kasoo degey Dekedda Boosaaso ayaa soo gaadhey goobta shaqada ee Wershadda lagu rakibi doono.

Sidoo kale waxaa qalbkan kasoo horreyey Wershad kale oo iyadana ahayd tii dhigaysey ama gogleysey Laamiga isla markaana ilaalinaysey sinnaanta waddada.

Ugu dambayn, Guud ahaan qalabkii lagu dhisi lahaa waddada Ceeldaahir  ilaa Ceerigaabo ayaa si buuxda usoo dhammaystirmay, maalmaha soo socdana waxaa la bilaabi doona dhigidda Laamiga kaddib marka la rakibo Warshadda, sidaa awgeed Puntland waxay haysataa qalab dhammaystiran oo lagu dhisi karo dhammaan gobollada Puntland.

Qalabkii Daamurka iyo Jayga lagu saari laha jidka Ceel Daahir iyo Ceergaabo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*