26th April 2024  admin  Category :

Madaxweeyne Farmaajo ayaa marar badan ku cel-celiyey in nidaamka federaalka qalad loo fahmay; Hadaba, waxaa is weeydiin leh, yaa nidaamka federaalka qalad u fahmay? Waxaa dhab ah dadka nidaamka federaalka qaladka u fahmay in uu ugu horreeyo Madaxweeyne Farmaajo.

Mar uu dhawaan khudbad ka jeedinayey baarlamaanka, ayuu ku sheegay in aysan jirin madaxbannaani gaar ah oo ay leeyihiin maamul goboleedyada dalka; hadaba, haddii aysan jirin madaxbannaani gaar u ah maamul goboleedyada, taas macnaheeda waxa uu noqonayaa in dalka uusan ka jirin nidaam federaal.

Waxaa jira adduunka waddamo badan oo ku dhaqma nidaamka federaalka kuwaas oo ku najaxay, waxaana ka mid ah waddamada ka faa’iiday nidaamka federaalka dooladaha Mareeykanka iyo Kanada (Canada). Hadaba, gobolada ka jira Mareeykanka iyo Kanada waxeey leeyihiin madaxbannaani u gaar ah oo ay ka mid tahay:

Gobol kasta oo ka mid ah Mareeykanka ama Kanada wuxa uu u madaxbannaan yahay inuu qabsado doorashadiisa;

Gobol kasta wuxuu xor u yahay jaangooynta caashuuraha gobolkiisa;

Gobol kasta wuxuu u madaxbannaan yahay magacaabidda xaakimiinta maxkamadaha;

Gobol kasta wuxuu u madax bannaan yahay go’aan ka gaarista ganacsiga gobolka dhexdiisa,

Tusaale, madaxbannaanida caashuuraha, waxeey sababtay in gobol kasta uu ka qaadi karo dadkiisa inta caashuur ee uu doono. Mareeykanka ma jiro gobol la mid ah midka kalle, tusaale, celceliska caanshuurta iibka ee goblka iyo dawladdaha hoose ee gobolka Nebraska waa 6.88%, meesha goblka New York ay celcelis ka tahay canshuurta gobolka iyo dooladaha hoose 8.49%, taasi waxeey ku tusineeysaa sida ay gobolada u madax bannaan yihiin.

Sidoo kalle, madaxweyne Farmaajo waxaa muddooyinkan danbe ka maqalnaa isaga oo leh, madaxda maamul goboleedyada maxeey dalka dibadiisa ka doonayaan ama maxaa ka yaal? tusaale, Guddoomiyayaasha ama gobanatoorayaasha gobolada Mareeykanka iyo Kanada waxeey inta badan u safraan adduunka, iyaga oo goboladooda u raadinaya maalgashi.

Hadaba, madaxweeyne Farmaajo gobolka uu degenaa ee New York, ninka ka ah gobanatooraha oo lagu magacaabo Andrew Cuomo, waxa uu safar ku tagay waddamo badan oo dibbeda ah si gobolkiisa uu ugu soo hello maalgashi, wuxuuna ka mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee ku taga safar dalka Kuuba markii xiriirka Kuuba iyo Mareeykanka la soo celliyey, waxaana safarkaas ku weheliyey gobonatooraha iyo ganacsato kalle oo badan.

PM Netanyahu with New York Governor Andrew Cuomo in Jerusalem

Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu meets with New York Gov. Andrew Cuomo at the Prime Minister’s Office in Jerusalem on June 27, 2019. Credit: Kobi Gideon/GPO.

Sidaa si lamid ah, gobonatooraha gobolka Indiana, Eric Holcomp, ayaa sannadkiisii ugu horreeyey ee xafiiska wuxuu booqasho ku tagay  11 dal oo ay ku jiraan waddamada Faransiiska, Hinida, Japan iyo dalka Hangeeriya si gobolkiisa uu ugu soo hello maalgashi, iyo sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen dhoofka alaabta gobolkooda uu soo saaro.

Governor Holcomb Starts Overseas Trip In South Korea

Indiana Gov. Eric Holcomb met with the Republic of Korea Prime Minister Lee Nak-yon. – Provided by the Indiana Economic Development Corp.

Intaa waxaa dheer, Kathleen Wynne, oo aheed gobanatooraha gobolka Ontario ee dalka Canada, ayaa waxa ay booqatay dalalka Shiinaha iyo Mareeykanka si gobolkeeda ay ugu soo hesho fursado maalgashi.

Ontario Premier Kathleen Wynne with the Mayor of Shenzhen, Mr. Chen Rugui.

Ontario Premier Kathleen Wynne with the Mayor of Shenzhen, Mr. Chen Rugui.

Gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa maamulkaas waxeey ka sammeeyeen waddamada dibbeda xafiisayo ka shaqeeya danaha gobolka Alberta ee ku aadan maalgashiga iyo dhoofinta waxa gobolkaas uu soo saaro.

Gabagabadii, Soomaali waxeey qaadatay nidaamka federaalka, maamul goboleedyaduna waxeey u madaxbannaan yihiin wax yaabo badan, dawladda federaalka, iyaduna sidoo kalle waxaa jira waxyaabo badan oo ay u madaxbannaantahay. Balse, Farmaajo wuxuu aaminsanyahay in maamulada aysan madaxbannaaneed, laakiin waxaa dhab ah in Soomaali ay ka soo gudubtay nidaamka kaligiis tallisnimada ah iyo in la dhiso hal magaalo.

Governor of Illinois Bruce Rauner with President Andrzej Duda. Photo: Jakub Szymczuk (KPRP)

Governor of Illinois Bruce Rauner with President Andrzej Duda. Photo: Jakub Szymczuk (KPRP)

https://www.foxbusiness.com/markets/a-state-by-state-look-at-governors-trade-trips-abroad-their-costs-and-results

https://www.ibj.com/articles/67797-governor-sees-international-travel-as-crucial-piece-of-eco-devo-strategy

https://www.cbc.ca/news/canada/toronto/kathleen-wynne-to-promote-ontario-in-trips-to-u-s-china-1.3143619

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*