26th April 2024  admin  Category :

Rooble oo la kulmay madaxda Dirta Waqooyi ee ku sugan Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyadoo kulankaasi loogaga hadlay khilaafka siyaasiyiinta gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya.


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Sida lagu sheegay qoraalka, kulanka ayaa looga hadlay xal
uu Ra’iisul Wasaaraha ka sugayay labada mas’uul, oo ay heshiis ku yihiin, kuna aaddan khilaafka doorashada guddoonka Guddiga Doorashada ee beelaha Dirta Waqooyi.

Guddiga doorashada Dirta Waqooyi ayaa u kala jabay laba garab, waxayna kala doorteen laba hoggaan, ayada oo guddigan weli uu yahay midka kaliya ee doorashada ee weli ay caqabad ka taagan tahay.

“Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo muddo hal maalin ah, codsigaas oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka aqbalay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble.

Heshiis la’aanta guddigan ayaa hortaagan inay billaabato doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Dirta waqooyi.

Doorashada Aqalka Sare ayaa Khamiistii si rasmi ah uga billaabatay magaalada Kismaayo, halkaasi oo lagu doortay afar ka mid ah xubnaha kasoo galaya Jubaland. Sidoo kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa berri qabanaya doorashada shan kursi.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyadoo kulankaasi loogaga hadlay khilaafka siyaasiyiinta gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya.

Qoraal kooban oo uu soo dhigey bartiisa Afhayeenka xukuumada federalka Maxamed Ibraahin Macalimuu ayuu ku sheegay in kulankan uu ahaa mid uu ra’iisul wasaaraha ka sugayay xal ay heshiis ku yihiin oo ku aaddan khilaafka doorashada guddoonka Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi.

Afhayeenka ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku xusay in Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi uu Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo muddo hal maalin ah, codsigaas oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka aqbalay.

Kulankan ayaa imanaya saacado kadib markii uu guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi uu ka digey in la qabto doorasho hal dhinac ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*