16th April 2024  admin  Category :

Soomaaliya oo jawaab rasmi ah ka bixisay warbixintii guddiga Midowga Afrika

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga jawaabtay warbixin ay dhowaan diyaariyeen guddi qiimayn ah oo ka socda Midowga Afrika oo ku saabsanayd mustaqbalka hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Warbixintaasi ayaa ku talisay in afar qaab midkood uu yeesho hawlgalka AMISOM wixii ka dambeeya Decembar 2021-ka, kuwaasi oo kala ahaa: Inuu noqdo hawlgal ay wadajir u fuliyaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midobay; in dib u habayn iyo wax ka beddel lagu sameeyo hawlgalka haatan jira ee AMISOM, in ciidamo ka socda waddamada Bariga Afrika la keeno Soomaaliya, iyo in AMISOM gebi ahaanba ka baxdo dalka.

Haddada jawaabta ay dawladda Soomaaliya ka bixisay warbixintaas ayaa Haarun Macruuf uu ka waraystay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*