26th April 2024  admin  Category :

Beesha Daarood dalka miyeey ka guureen? mise SNM iyo USC ayaa hadda ogaaday inay ku adkaadeen dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.

Maanta gudaha Soomaaliya saddex doodood ayaa ka socota , oo aad loo hadal hayaa.

Doodda kowaad, waxa wata beesha Isaaq oo ah in Waqooyiga Soomaaliya iyaga wax laga waydiiyo ayna ma’suul ka yihiin beelaha Hart ee dega Waqooyiga Soomaaliya.

Dooddan waa lagu kala baxay, waxaana ku guulaystay beesha Isaaq shirkii Jabuuti ee dhowaan la qabtay oo ay Markhaanti ka ahayeen inta badan madaxda dawladda federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Bulshada Caalamka.

Doodda labaad ee ka socota Soomaaliya waa maqaamka Muqdisho iyo sadbursi siyaasadeed ee beesha Hawiye ku raadinayaan inay Baarlamaanka Soomaaliya kaga helaan Kuraas kale.

Magaaladan Muqdisho ee maanta Maqaamka loo raadinayo ayaa horay loogu xasuuqay Isir nacayb boqolaal kun oo Qof oo Soomaaliyeed , kumaakun kale lagu barakiciyey ilaa haddana kuwa kale hantidooda xoog lagu haystaa. Sodonkii sano ina soo dhaafay ma jirin la xisaabtan iyo hal qof loo qabtay ama loo xiray denbiyadan ka baxsanaa Bani aadanimada sida xasuuq wadareed, kufsi, bililiqaysi aan ka ahayn kuwii falka sameeyey qaarkood inay maanta iyagu isu arkaan inay guulaysteen 1991 oo waxay rabaan khasabku tahay beesha Daarood inay u yeelaan

Doodda ugu danbaysa waxa wata beesha Daarood, Waana dood ay u arkaan beelaha Isaaq iyo Hawiye inay tahay dood daciif ah . Doodda Beesha Daarood ayaa ku salaysan Dimoqraadiyad iyo doorasho dalka ka dhacda, dawlad wanaag, iyo saami qaybi caddalad ku dhisan. Maanta intaas midna Soomaalida kale diyaar uma ah, waxay ugu badsisaa sida ay hadda Soomaaliya ku jirto . Horay waxay u ogolaadeen in beesha Ciise oo xaafad ku taal Saylac ka degan waqooyiga Soomaaliya ay ka Xildhibaano badan yihiin bulshada degan gobolka Sanaag

Ugu danbayntii USC iyo SNM kuma guulaysan dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, ee xasuuq iyo barakicin ayeey ku sameeyeen Daaroodkii la deganaa oo qura, in maanta loogu abaal gudo xasuuqii ay ka gaysteen Waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya oo ay ku helaan sadbursi siyaasadeed waxay gef ku tahay bqolal kun oo qof oo xaq daro lagu dilay ama lagu kufsaday oo haba yaraatee sharciga la samayn kuwii fal danbiyeedka u gaystay. Waxay kaloo dhiiro gelinaysaa inay USC iyo SNM xasuuq kale gaystaan. Kursi kasta oo maqaamka Muqdisho waxa lagu helay waa dhiig horay loo daadiyey, haddaad raali ka noqoto maanta waxa Soomaaliya ka socda ee nacaybka ku salaysan , Bal is waydii berito waxa ku xigi doona.

Allsanaag.com, news@allsanaag.com

One thought on “Daarood Dalka miyuu ka guuray?

  1. Eelaay

    Daaroodoow Yaa idinka been badan oo idinka cadaalad xun
    DAAROOD AYAA CADAALAD RABA? dowlad wadaag xaq ah Raba
    Allaahu mustacaan

    WALAAHI MA AHI daarood ama hawiye ama dir
    Sadaxdaasba ma rabaan awood qaybsi xaq ah cadaaladna ah taas waxay keentay in aan u jilicsanaano cassowga dibadda iyo gudaba,jinsiga soomaaliga ah sadexdaan qabiil oo isku maqan ayaa la dageen .Allaha isu duwo quluubtooda wadaniyad iyo soomaalinimo allaha nawasa jecleysiiyo iyo muslimnimo. Aamiin

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*