27th July 2024  admin  Category :

Xildhibaano ka horyimid metelaada Aqalka Sare ee gobolka Banaadir

Illaa 72 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka soo horjeestey Metelaada Aqalka Sare oo uu maanta ansixiyay Baarlamaanka Federalka.

Qoraal ay ku saxiixan yihiin xildhibaanadan oo ka soo jeeda Maamul Goboleedyada Puntland,Jubbaland iyo Koofurgalbeed ayaa lagu sheegay in ay sharci darro tahay isla markaana ay ka soo horjeedo dastuurka kordhinta lagu sameeyay senatarada Aqalka Sare.

Kulan ay maanta isugu yimaadeen xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa u codeysay oo ansixiyay 142 xildhibaan in 13 kursi lagu kordhiyo Senatarada Aqalka Sare.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka iyo magacyada saxiixayaasha xildhibaanada ka soo horjeestey ansixinta Metelaada gobolka Banaadir ee Aqalka Sare;

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*