16th April 2024  admin  Category :

Wareeysiyo lala yeesha Madaxweeyanaha Galmudug, Ahmed Qoor Qoor, ayaa ku sheegay in socod la’aanta shirkii ka socday Afasiyoone ay mas’uul ka yihiin cidii ku soo dartay wixii horey loogu heshiiyey waxaan aheeyn.

Wixii horey loogu heshiiyey waxeey ahaayeen heshiisyadii la gaaray September 17 iyo is afgaradkii Ferberaayo 16 ee Baydhabo. Weliba kii ka dhacay Baydhabo waxa uu ahaa kii lagu soo afjarayey qodabadii la isku hayey ee ahaa 3da qodob, kuwaas oo kala ahaa sidii Gedo ay doorashada uga dhici laheeyd, guddigii doorashada ay dawladda soo magacawday iyo xubnaha waqooyiga sidii loo maareeyn lahaa arrintooda.

Si kastaba ha ahaato, in dawladda loogu darro muddo 2 sanno ah maxaa keenay, yaase keenay? Inuu shirka meeshiisa uu ka dhaqaaqi waayey waxaa keenay shuruudo ka baxsan wixii lagu heshiiyey oo ay la yimaadeen Ahmed Islaam iyo Siciid Deni kuwaas oo ka dhigay in shirkii uu ka dhaqaaqi waayey meeshiisa. Sidoo kale, beesha caalamaka oo Soomaali badan ay ka dhigteeyn kuwo ay ku wardiyaan ayaa iyaguna sheegay in heshiisyadii horey loo galay ay tahay in la fulliyo, shuruudana aan lagu xirin in doorasho la aado.

Miyeey ku saxsanaayeen Siciid Deni iyo Ahmed Islaam ineey miiska keennaan wixii lagu heshiiyey waxaan aheeyn?

Qof kasta oo illaahay uu siiyey wax yar oo caqli ah wuxuu fahmi karaa in shuruudaha ay la yimaadeeyn Siciid Deni iyo Ahmed Islaam ay ahaayeen kuwo ka baxsanaa mawduuca doorashada. Hadaba, waxaan la soconaa in doorashada ka dhici laheed dalka ay noqon laheed mid la isugu keenayo xubno baarlamaan oo ku wadda yimid eex iyo lacag oo dabadeedna ay u codeeyn lahaayeen ciddii siisa lacag badan.

Hadiiba wixii oo dhan ay biyo dhacooda noqonayaan in lacag la kalla siisto, waxeey u muuqataa in Seciid Deni iyo Ahmed Islaam ay waqtiga isaga lumiyeen waxaan waxba u soo siyaadineeyn, waana midda dhashay in dawladda loogu darro muddo 2 sanno ah.

Waxaase maalmahan soo baxayey qoraalo ka imanayey beesha caalamka kuwaas oo maanta noo sheegaya in aysan aqoonsaneeyn waqtiga dawladda loogu daray. Maxeey beesha caalamka ula hadli waayeen cidii shalay isbaarada dhigatay ee jeebka kalla soo baxday shuruudo aan meelna ka quseeyn doorashada?

Siciid Deni iyo Ahmed Islaam hadii ay la iman lahaayeen shuruudo taabanaya doorashada waa loo garaabi lahaa. Hase ahaatee, waxeey la yimaadeen shaqsi hebel shaqada halaga ceeriyo, madaxweeynaha awooda ha wareejiyo iyo kuwo kalle oo aan quseeyn doorashada.

Bal ka waran haddii dawladda ay dhihi laheed doorasho lama aadayo illaa ay Puntland ay ka noqoto heshiiskii DP World ay la gashay iyo Ahmed Islaam waa in Kenyaatiga uu ka saaraa Jubaland. Dabcan waxeey noqon laheeyd wax aan doorashada meelna ka soo galleeyn.

Isku soo wada duub, shirka burburka ku yimid waxaa ka mas’uul ahaa cidii jeebka kalla soo baxday wixii lagu heshiiyey waxaan aheeyn. Dawladda waqti 2 sanno ah ayaa loogu daray, marka hadiiba ay dhacdo in laga noqdo labada sanno ee dawladda loogu daray waa in Deni iyo Ahmed Islaam ay meel uga soo tagaan shuruudaha waqti lumiska ah ee ay miiska la yimaadeeyn si markaa doorasho loo aado.

15 thoughts on “Yaa Caqabad ku Noqday Shirkii Doorashada?

  1. Jirac

    Amazing anigu difaaci mayo Ahmed iyo Deni lakiin waxii xaqiiqda ah wayba muuqdaan amaba muuqdeen Walaaleheen ABSAME cidi ma nebca waa XAQIIQA waana mida keentay in Farmajo kursiga Daarood ku metelo lakiin walaalayaalow gari sideeda rag kama wada qosliso farmajo afartii sano ee uu dalka madaxweyne ka ahaa bal ii sheega wax uu soo saaidshay wax ragii isaga ka horeeyey ay ka soo shaqeeyeen mooyaane oo waliba si sharaf iyo karaamo leh xilka loogu wareejiyey. Waa run ineynu wada dhibsaney nimanka qaylineyey ilaa maalintuu xukunka qabtay lakiin cidi ugu garaabimeyso asaga oo inuu seexday oo waliba raisul wasaare fariid ah oo been low ah uu dalka oga seexday markuu soo toosana music loo daaray waynu wada aragnay oo waliba siriq siyaasadeed tii ugu liidatay galay markuu ku masquulay GEDO iyo walaalaha GALGADUUD wax waa hore laga soo gudbay. Bal inta aynan fiirin maamulada Puntland iyo jubaland bal dib u milisada sidii uu oday Xaaf ola dhaqmay iyo Ahlu SUNA iyo South West wadaadka Xiran. Qudban uu jeediyey baan daawaday uu leeyahay XILI KORTIN WAA XAARAAN AFAR SANO BAAN HAYSTAA WIXII KA DANBEEYANA ODAY SOMALIYEED BAAN NOQONAYAA. Parliament ga waqtigii wuxuu ka dhacay December isagiina waqtigii waa ka dhacay 02/08/2021 waxba yaan cidkale la eedeyn haduu oday somaliyeed yahay maa la arko isagoo u dhaqmaya oo MEDIAHA YIMAADO OO DADKA LA HADLO. ALXAMDU LILAAHI ilaahay subxaanuhu watacaalaa isagaa xaq soore ah markalaan ku celinayaa walaalaheen ABSAME cidi ma necba sida dalka loo kala degan yahay ilaahay baa ka dhigay we all understand who he’s challenging with lagamana yeelanayo oo “RED ZONE “ in wixii intaas la soo tabcayey shaqsi loo bur buriyo waynu soo aragnay Adeerkii Siyad Bare iyo Cali Samatar meeshay dhigeen. Maantana waynu u wada heednay meeshuu wax u waday jubaland marka waxaan la yaabanahay SHAQSI iyo UMAD kee weyn? Answer UMAD baa weyn ilaah baa weyne markastana jira jiri doona adib. Farmajo cida u guul wadeeneysa maanta waa cid aan sooyaalka dhacdooyinka fahansaneyn. Anigu waxaan aad u dhaliilayey DENI IYO AHMED waayo waxay sameyn kareyn inay Mogadishu ugu taagan 2019 hurdadana ka kacshaan si ILHAANO looga bedbaado loona badbaadiyo MASIIRKA UMADA SOMALIYEED EARLY ON. Lakiin sidaan iyaan dhoweyd fahmay wayba isku dayeen oo waxaa waliba si aad ah u shaqeeyey ODAY ABDI HASHI OO WALIBA DALKA MADAXWEYNE DADBAN KA AHAA SIDA HADA LAWADA QIRAY. TAARIIKH DU IYADAA ISQORTA WAANA SILSILAD ISKA DABA WAREEGEYSA 1991-2021 waa 30 years. Maanta 5.7 ilaa six million baa lagu qiyaasaa inta Somali ka dhimatay 30 kaas sano 2.7 million people died in 1991 wixii loogu yeeray Dibirgoynta Daarood ee dowlad nimada somaliyeed godka ugu dhacday iyadoo Regime kii Siyad iyo Cali Samatar dalka la doonayey in laga qabto ka bacdina Hawiye si qaldan u adeegsaday Hargeysana ku gacan siisay waa XAQIIQA weeye kana wada qayb qaateen Dibirgoynta Daarood waxay ugu walqaleen. Marka maanta iyadoo 30 sano ka soo wareegtay haduu shaqsi isku dayo inuu bur buriyo wixii la soo tabcayey oo rag caafimaad koodii naftoodii u huray inay u waa yaan si dalku DASTUUR U YEESHO Ma ahan ineynu ilowno lagacy gii HOOSH JIBRIIL ILAAHAY HA NAXARIISTO marka u maleyn maayo in cidi ka yeelin shaqsi si kasta u qayliney waxaan ka digeyney waa kaa taagan taariikh duna iyadaa is qorta PUNTLAND iyo Jubaland iyo maamulada kale ee dalka ka jira waa MUQADAS WAANA BUILD BOTOM UP FARMAJO ISAGAA FUDUD AND HE WILL GO SOONER.

    Reply
  2. Ibrahim

    Ninka fashiliyay waa ini fargaajo oo aan waligiiba rabin in ay dalkan doorasho ka dhacdo rabayna inuu xoog ku haysto sidii adeerkiis Afwayne. taladaas guracan ee qar iska xoornimada ah kana socon karin Somaliya waxaa ku dhiiri geliyay ini fargaajo Afwargi iyo Abi oo iyaga qudhoodu faashil ah. Waxaa maanta muuqda oo aduunkii oo dhami farta kuwada fiiqay waa ini fargaajo waana ka shalayndoonaa in badan. Waxaa kaliya oo dhacay waxa weeye inuu Danbiile yahay siyaasad danbena uusan geli doonin sidoo kale aan la xusidoonin inuu Madaxwayne ka noqday somaliya laguna daridoonin liiska Madaxwayne yaasha somaliya. Waayo waa danbiile khaaimay dalka khatarna geliyay.

    Reply
  3. Haliye

    Farmaajo daacad kama ahayn doorashadu wuxuuna mar kasta ka shaqaynayay inuu cid eeda saaro meeshana sii joogo , waxaa ka go’naa oo kale SIDII KISMAANYO reer Gedo ugu wareejin lahaa, weliba Barre Hiiraale, sida keliya ee lagu hor istaagi karay waxay ahayd in la sameeyo wax kasta si uusan Farmaajo usoo noqon.
    Puntland waa Jubbaland, Jubbaland waa Puntland.

    Reply
  4. Haliye

    Waa ku saxnaayeen Siciid Deni iyo Axmed Madoobe inay iska celiyaan farmaajo, weliba markii magacii dawlada loo isticmaalay. Dalkaan waxaa loo diriray qabiil, dhul uusan shuqul ku lahayn Farmaajo buu rabay inuu xoog ku qabsado.
    Oohin halkaa la fariiso,

    Reply
    1. C.caziiz

      Halliye
      Soo reer Gedo xaq uma leh inay markooda hogaamiyaan Jubbaland?
      Farmaajo inuu qaldan yahay kaba soo qaad
      Makula saxanyahay Axmed Madoobe 11 sano haysta Jubbaland?

      Reply
  5. Haliye

    Xaq wuxuu u yeelan karaa markuu wada saxa soo maro laakiin isagu wuxuu ku socday inuu Absame ka tirtiro, WALAALIHII GALGADUUDNA soo celiyo, qabyaaladii noocaas ahayd waa dhamaatay, KABLALAX iyo Soomaali oo dhan waa soo jeedaan, reer GEDO waa rabaan Jubbaland laakiin isagu reer DIINI uun buu rabaa.

    Reply
    1. C.caziiz

      Farmaajo iyo Jubbaland waxaad isaga daba waddaan garan maayo.
      Lkn
      Cid kismaayo laga tirtiraa ama laga buriyey ma jirto
      Cidda Jubbaland dhibka ka wadda maahan Farmaajo iyo Mareexaan toona.
      Cidda wax layneysa ee baro kicineysa ee Kenya u adeegsatay shacabkii Gedo waa Axmed Madoobe iyo Kooxda la socota.
      Midda kale Mareexaan waa Majority ga Jubbaland weyna xukumi doonaan waqtigey doonto ha qaadato.

      Reply
  6. Haliye

    Sad bursi baa Mareexaan hada ku haystaa, degaankana waa la kala yaqaan hal gobol oo la idinla dego, (GARE, AJUURAAN, DIR, RRA.)
    Reer Gedo waa rabaan Jubbaland waana ku qanacsan yihiin, laakiin reer DIINI baa raba keligood inay wax walba helaan.

    Reply
    1. C.caziiz

      Haliye xaqiiqada kamaadan hadlin.
      Gobolka anaa kaaga aqoon badan oo tuulo tuulo u aqaan,
      Adiguse war laguu sheegay ayaad haysataa Mareexaan waa Majority ga Jubbaland oo aan muran ku jirin
      Sadexdaas gobol waa 14 degmo.
      1. Gedo waa 6 degmo Mareexaan baa Majority ah.
      2. Lower Jubba waa 4 Degmo.
      Afmadow iyo Badheedhe o Ogaadeen baa majority ka ah.
      Jamaame Biyomaal iyo jareer ayaa majority ah.

      Kismaaanyo waa collection.
      I

      M3. iddle Jubba
      Waa 4 degmo.
      Jilib Hawiye iyo Jareer ayaa Majority ka ah.
      Bu,aale Ajuuraan iyo Absame
      iyo raxanweyn baa degan

      Dajuuma maanta hal qof kuma noola waalaga guuray.

      Saakoow Raxanweyn ayaa degan.

      Reply
  7. Haliye

    Waxaan garan waayay waxa Mareexaan uga doodi waayay Gal-Mudug oo mar kasta Jubbaland uga hadlo, xataa waxay ahayd haduu rabo inuu ka hadlo inuu si fiican ugu qaybiyo laakiin ma ahayn inuu dhaqaalaha iyo ciidamada dawlada u adeegsado.
    Mideeda kale Kismaanyo lama wadaago hal guri baa Mareexaan ku lahaa, Farmaajo waa u ogol yahay walaalaha Gal-gaduud laakiin uma ogola Kablalax.
    Waxaana kuu sheegay horaa loo yiri LAFTAGREEN IYO MUUDEY waxba kuu tari maayaan.
    CALAMADA KALA BARTA DHEH.

    Reply
  8. Haliye

    Website-kan reer Sanaag waxaa usoo gelaysay inaad beer-laxawsi iyo tola’ay ula dhuumatid laakiin waa kaa qaraxday, boorso Barre Hiiraale iyo walaalaha Galgaduud ku qoran tahay baa kaasoo baxday.
    Nimankii Cayr Habar-gidir maanta waa ku naceen taageerana kusiin maayaan ee gacmaha kor u taag.
    Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa, dhulkana lagaama xigo ee dadkaaga dhinac ka raac, adiga oo shacab ah.

    Reply
    1. C.caziiz

      Halliye
      1. Allsanaag.com waa website caalami ah adiguna kama tihid Editor. Kumana soo dhaamane Afkaarteyda ayaan ku cabbiray qeybta ay aragti is weydaarsiga ugu talo galeen.

      2. Kismaayo waa xillima waqtiga Mareexaan halka guri ku lahaa. Ayadoo aan ognahay hantiilayaashii ugu waaweynaa jubba iyo Kismaayo inay 4 qof ahaayeen
      labo ka mid ahna Mareexaan ahaayeen.

      3. Jubbaland iyo deegaankeeda iyo dadkeeda igalama doodi kartide mana taqaanide tuulooyinkaaga ku ekoow
      Waxba haku waalan Kablalax iyo kaar aan kuu xoqmeyn Jubbaland waqti aan dheerayn ayaad ogaan in Mareexaan Majority ka yahay iyo in kale.

      Reply

Leave a Reply to hassan Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*