26th April 2024  admin  Category :

4tiiMay, 1991, kulankii fadhiga ahaa ee lagu qabtay Bakhaarka Cabdi Boodhle ee magaalada Burco, baa Beelaha Isaaq soo bandhigeen ajandde 4 qodob ah oo ay ku jirto, in Gobollada Woqooyi ka go’aan Somalia inteeda kale.

Shirka waxa lagu ballansanaa inu qabsoomo maalintaas tan ku xigta (5/5/91) .Si qafllad ah baa loosoo bandhigay go’aannaday soo gaadheen beesha Isaaq. Odayaasha beelaha Harti si aad ah bay uga horyimaadeen go’aankii beesha Isaaq wadatey.Dood badan iyo ismariwaa ka dib , waxa hadalkii u baxay ; Nabaddoon Cali Xirsi ( Nabddoonkii Cali Barre/ Habar Jeclo).

Nabaddoon Cali wuxu ku goodiyey oo ku xilafuray: “Haddii aydaan go’aanka Isaaq soo gaadhay nagu raacin, qof nooli golaha ka bixi maayo. Wiilasha bannaanka hubka la taagani, waxay sugayaan kelmedda halkan kasoo baxda.”Markii arrinku halkaas marayey, laba oday oo ka kala tirsan beelaha Harti, baa iyagoon cidna la tashan iska daba kacay oo ayiday go’aankii beelaha Isaaq wateen.Inta ” Allaahu Akbar ….Allaahu Akbar” isu yeedhay baa golihii qayilaadda laga dareeray.

Go’aanka beelaha Somaliland ee aad maqasheen sidaas afduubka ah buu ku yimid. Ciddii waxaas wax ka geddisan sheegtaa, waxan jirin bay sheegeen. Goobtaas , anigaa fadhiyey.Cabdiraxmaan Tuur iyo rag badan oo ku jira Golaha Dhexe ee SNM,raalli kama ahayn arrinta goonni goosiga.

Subaxii labaad (5/5/91) , intuu nala kulmay buu nagu canaantay in rag beelaha Harti ka tirsani ayidaan ajeddaha beesha Isaaq wadato oo uu ku tilmmaamay arrin waalli ah.5 tii May, baa go’aankii beelaha oo aan distoori ahayn loo gudbbiyey Golihii Dhexe ee SNM, si ay u ansixiyaan ama u diidaan. Madaxdii SNM , ajandde dhawr iyo toban qodob ah bay ugu dambbaysiiyeen qodobkii Goonni-isu-taagga.

Waxay saas u yeeleen inay waqti u helaan ay dadka ku qanciyaan, inaan goonni goosigu suurtogal ahayn. Waxay kale oo ka war dhawrayeen rag Muqdisho ku maqnaa oo kulammo la lahaa ururkii USC .Anigu waxan ka mid ahaa labo labo xubnood oo beelaha Harti iyo Samaroon loogu daray inay goob joog (muraaqib) ka ahaadaan shirarka Golaha Dhexe ee SNM.

Kolkii arrintu jiitamaysey muddo 10 maalmood ah, baa 16kii bisha May BBC-du waraysi la yeelatay Cismaan Jaamac Cali (kalluun) oo Muqdisho ku sugan. Wuxu sheegay in USC iyo SNM ku heshiiyeen inay dawlad wadaag ah dhisaan. 18kii May baa dad hadalka Cismaan ka cadhaysan oo kasoo duulay Hargeysa iyo Berbera iyo dad Burco kaga biiray, iyagoo hubaysan si qoor-qabsho ah ugu khasbbeen Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) inu ku dhawaaqo in Somaliland ka go’day Somalia.

Horta, 18ka May, sidaas bay ku timid. Wax qorshe ah, ama diyaar garow ah, ama calan iyo astaan qaran ah, ama wax qaybsi iyo wadaag ah midna dhicin. Calankii jabhadda SNM baa lagu beddelay kii Somalia. Qolo waliba degaankoodii bay dib ugu laabatay oo shirar iyo kulammo dambbe ma dhicin.Dad baa yiraahda go’aamo ama heshiis baa la saxeexay. Cid wax saxeexday ma jirin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*