26th July 2024  admin  Category :

Yaa yiri Adeer labada Sumuni shilling nooga dhig?.

Dhowaan waxaanu  qornay maqaal aanU cinwaan uga dhignay “Adeer labada Sumuni hal Shilin noga dhig.  Maqaalkan ayaa waxa akhristay dad badab. Dadkii akhristay waxa ka mid ahaa goob joogayaal maalintaa fadhiyey meeshii hadalkani ku baxay.

Madasha la fadhiyey  waxay ahayd beerta xoriyadda ee magalada Ceerigaabo. Ninka yiri ” Adeer labada Sumuni hal Shilin noga dhig. wuxuu ahaa cali Ciiro. Cali Ciiro maalintaa sida ay noo sheegeen goob joogayaak  horay ayuu   u sii raacay Madaxweyne Siyaad. Si uu goob joog uga noqdo wasiirka markii ugu horaysay reer Maakhir loo magcaabayo.

Siyaad Bare maalintaas waxa  la socday oo Muqdisho ka wada yimaadeen  Allah ha u naxariistee Maxamed Cabdi gaac oo ahaa taliyihii hogaanka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Maxamuud Gacamey oo ahaa wasiir ku xigeen.

https://allsanaag.com/xikmadaha-reer-maakhir-ee-qarnigii-hore/

ALLSANAAG

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*