29th March 2024  admin  Category :

Waa maxay sababta Saraakiisha  ka soo jeeda Beesha Warsangeli tiro badan oo ka mid ah loogu dilayaa maamulka Puntland?.

Sawirka sare waa Hal sarkaal oo ka soo jeeda beesha Majeerteen iyo inta ilaalo uu leeyahay

Saraakiishii ugu danbeeyey  ee ka soo jeeday beesha Maakhir  oo u shaqaynayey maamulka Puntland, ee lagu dilay degaanada Puntland  waxa la dilay iyaga oo kaligood ah oo aan ilaalo ama Askar waardiyeesa haysan  . Arintan markaan baaritaan dheer ku samaynay oo aan la xiriirnay qaar ka mid Qoysaskii iyo  qaraabaddii  laga dilay Saraakiisha, waxaan ku ogaanay in sababtu tahay awood  dhaqaale iyo maamulka ay  u shaqeeyaan oo aan dan ka lahayn

Sarkaalka ka soo jeeda beesha Warsangeli ee u shaqeeya maamulka Puntland waxa uu qaataa waa mushahaarkiis oo qura, oo  aan dhaafsiisnayn qoyskiisa, malaha Guno iyo  Ilaalo u gaar ah oo ka  ilaalisa cadowga ugaarsanaya . Tusaale haddii  Sarkaalka ka soo jeedaa beeshaas  uu magaalada uu joogo uu  ka tago  awood uma laha inuu sii kaxaysto Askar  ilaalisa oo  uu ka bixinayo  lacagta Huteelka iyo lacagta ku baxaysa  cuntada ay cunayaan  .

Taliyaha qaybta Booliiska  gobolka Bari oo ka soo jeeda gobolka Mudug intaas oo Askari oo ilaalo ah ayuu leeyhay. Maamulka Puntland ayaa kharashkooda bixiya  Taliye ku xigeenkii Booliiska Puntland oo ka soo jeeday Maakhir, kana sareeyey darajo iyo xil ahaanba   isaga oo kaligiis ah oo aan  haysan ilaalo waardiyeesa  ayaa la dilay

Image result for taliyaha ciidanka booliska gobolka bari

Sarkaal ka soo jeeda Beesha Cabdiraxmaan Faroole ee Gobolka Nugaal. Xitaa Tikniko Caalamku ku bixiyey  in Alshabaab looga saaro buuraha calmadow ayaa ilaalinaysa

Image result for garowe ciidan la goostay

Carmo. Taliyahan waa gudoomiyihii hore ee gobolka Bari ee degmada  Galgala hoos tagto, Halka  uu culays saari lahaa inuu  alshaabaab ka saaro Galgala waqtigii uu haa gudoomiyaha gobolka.  isaga ayaa  Saldanad iyo ciidamo u gaar ah  samaystay

Image result for Cabdisamad Galan

Hadaba waa ayo cadowga ugaarsanaya Saraakiishan ka soo wada jeeda halka beel?

Dilkii ugu horeeyey ee afka loo soo duubtay oo lagu  dilay Sarkaal ka soo jeeda Beesha Warsangeli wuxuu bilowday dagaalkii Majayahan ka dib,  ilaa hadana waa socdaa. Sida muuqatana dagaalkii Majayahan ee damaca Buuraha Cal madow dadka qaarkiis ka lahaayeen weli waa socdaa

Kooxda kale ee Ugaarsanaysa Sraakiisha Maakhir   waa argagixisada Alshabaab oo ay wada shaqeeyaan kooxda hore ee damaca ka leh buurahaa Calmadow

Waxa is waydiin mudan dagaalkii beesha Maakhir iyo SNM ku wada  galeen gobolka Sanaag, maalintuu istaagay ilaa maanta Isaaq waxay dileen  hal Askari oo  iyaga  u shaqaynayey oo ka mid ahaa  Ciidankooda. Halka maamulka Puntland 18 bilood gudahood lagu dilay, dhowr iyo tobon sarkaal.  Hadaba soo lama gaarin  xiklligii Bulshada reer Maakhir ay wiilashooda  badbaadin lahaayeen oo ay is waydiin lahaayeen waxa ka khaldamay maamulkii ay nabadda ugu tageen oo dilka joogtada uga dhigay

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*