26th July 2024  admin  Category :

61 Xildhibaan ayaa cod siiyey oo ansixiyey Golaha wasiirada Puntland oo ay shalay rideen

Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyey Golaha Wasiirada cusub ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweynaha Puntland cabdiweli Gaas, , kulanka waxaa joogay Madaxweyne Gaas oo ka codsaday xildhibaanada in duuduub lagu ansixiyo Golaha Wasiirada.

Cod ayaa la geliyey Baarlamaankuna wuxuu isku raacay duuduub in lagu ansixiyo, cod gacan taag ah ayaa loo qaaday Xasaanad siinta Golaha cusub.

61 xildhibaan ayaa cod siiyey oo ansixiyey Golaha wasiirada, 3 xildhibaan ayaa ka aamusay mana jirin cid diiday, kulanka waxaa fadhiyey 64xildhibaan.

Madaxweyne Gaas ayaa uga mahadceliyay Baarlamaanka ansixinta Golaha wasiirada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*