29th March 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo hogaankii Soomaaliya ma waxa uu ka doortay maalgelinta mucaaradka maamul goboleedyada

Haddii dawladda Federaalka Soomaaliya  iyo madaxda Dawlad goboleedyadu ayna wada  hadlin,  yaa kaalintaas buuxiyey oo ay  dawladda Federalka Soomaaliya ay  wada hadal iyo wada shaqayntu  ka dhaxaysaa

Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay hogaanka u hayaan Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaaji iyo Ra’isulwasaare  Xasan Cali Kahayre,  ayaa haba yaraatee aan  wax  wada shaqayn ah  la lahayn madaxda maamul goboleedyada oo ka taliya dalka intiisa badan.

Dalalaka reer galbeedkka ayaa kalmaddan power vacuum aad ugu isticmaalala arimo kala duwan, hase ahaatee marka ay siyaasadda ka hadlayaan  power vacuum, waxa loo isticmaalaa “when someone has lost control of something and no one has replaced them.” ” marka qof lumiyo waxa uu haysatay oo aan la helin wixii  lagu bedeli lahaa. Tusaale Soomaaliya 1991 ayeey  dawladnimadeedii lumisay  ilaa hadana lama hayo wax dhaama oo lagu bedelo dawladdii markaa la haystay.

Dawladda federaalka Soomaaliya  oo uu madaxweyne Farmaajo hogaanku u hayo, ayaa iyagu xiriirka xumaaday ee dawlad goboleedyada xubnaha ka ah dawladda federaalku waxay ku bedesheen taageerada ay siiyaan qaar ka mid ah murashaxiinta maamul goboleedyada oo ay iibsadaan , maalgelin ay lacag ku bixiyaan in laga amaano FACEBOOK iyo wiilkooda Amin Caamir ku mushahaar qaata amaantooda

Ugu danbayntii sida madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo  waxa u wado oo xitaa emailkiisa furaha lagu galo ay  da kale u  hayaan , oo u  ku khudbadaynayo  qoraal federaal diid ah oo loo soo dhiibay, Soomaaliya waxay ku sii jiraysaa sida ay maanta tahay iyo inay ka shaqayso xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*