26th April 2024  admin  Category :

Daawo Xildhibaano Katirsan Labada Golle Ee BFS Islamarkaana Laga Soo Doorto Deegaanada KGS,

Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu faragelin toos ah ku haayo Doorashada Maamulka Koofur Galbeed oo lagu wado in 17-ka bisha soo socota ee November ay dhacday doorashada Madaxweynaha.

Xildhibaano Cabdalla Xuseen Cali oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay Madaxweyne Farmaajo iyo saaxibadiisa ay faragelin toos ku hayaan doorashada Koofur Galbeed, iyagoo taageeraya Musharaxiin gaar ah.

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu faragelin qaawan ku hayaa Maamulka Koofur Galbeed, gaar ahaan doorashada soo socota, faragelintaas waxa ugu horeeyo in Musharaxiinta qaarkood loo diiday inay is sharaxaan, maadaama ay yihiin muwaadiniin xaq u leh in tartamaan, faragelinta labaad waa Musharaxiin qaarkood ay dowladda si gaar ah u taageereysay, dhaqaalihii dalkan lagu maamulayay kartoomo inta loogu shubayo diyaarado loo saaray oo Baydhabo laga dejiyay”ayuu yiri Xildhibaan Cabdalla Xuseen Cali.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in baabuurta aan xabadaha karin laga dejiyay Baydhabo, hub iyo ciidamo, waxaana uu tilmaamay in dhaqaalaha ku baxay gawaarida aan xabadaha karin iyo diyaaradaha loo kireeyay ay gaareyso 2.8 Milyan oo doolar.

https://allsanaag.com/abtigiis-ayaa-soomaaliya-madaxweyne-ka-ah/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*