27th July 2024  admin  Category :

Degaanada Puntland waxa ka socda ololihii doorashada Puntland ee lagu dooran lahaa madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka’

Xildhibaanaddii dooran lahaa madaxdan oo gaaraya 66 Xildhibaan ayaa intoda badan beeluhu soo doorteen.

Inta badan doorashadan Puntland ayaa marka hore la qabtaa Gudoomiyaha Barlamaanka, oo ay u tartamaan Xildhibaano ka soo jeeda beesha Warsangel, o aan ka ahayn oo qura xilliggii uu Cabdulahi Ilko jiir u ordayey madaxweynaha Puntland.

Hadaba waa kuwee sadexda Xildhibaan ee laga soo doortay beelaha Warsangeli ee u shraxan hogaanka Puntland:

Gudoomiyaha Baarlamanka ee hadda xilka haya Cabdirashiid Yusuf Jibriil , waa murashax u taagn hogaanka Puntland, wuxuu ka soo jeeda beesha Bah Majeerteen ee Cumar, dhaqaale fiican ayuu haystaa, waana hubaysan yahay, wuxuu leeyahay asxaab badan oo ka mid ah siyaasiyiinta Puntland iyo Isimadaba. Rajo fiican ayuu leeyahay. Maxaa u diidi kara inuu noqdo Gudoomiye, wuxuu leeyahay mucaarad badan oo waxa lagu dhaiilaa inuu ku milmay madaxtooyada oo ka mid noqday shaqaalaha madaxweynaha. Intuu xilka hayey beesha uu ka soo jeedo dhexdeeda asxaab badan kama samaysan

Gudoomiye Ku xigeenka Dalada Bulshada Rayidka Puntland ee (PUNSA) Mursal Maxamed Cabdi,Waa murashax kale oo u ordaya hogaanka Puntland, wuxuu ka soo jeeda beesha Gaashaanbuureed ee Cumar, waa oday laga yaqaano guud ahaan degaanada Puntland oo aad ugu ololayn jiray arimaha bulshada. Wuxuu leeyhay rajo fiican, sabatoo ah wuxuu ka mid yahay Isimada Puntland iyo madaxda arimaha bulshada. Waxa lagu soo doortay si xor ah oo uu u tartamay Xildhibaanimada. Caaqil Mursal, waxa lagu dhaliilaa inuu ku xiran yahay Isimo Mucaarad ah oo reer Bari ah kuna xiran Muqdisho. Isaga ayaa laga sugayaa inuu bulshadda shaki bixiyo.

Guddoomiyihii hore ee Guddigii KMG Doorashooyinka Puntland EE TPEC Abdirsak Ahmed Said, waa murashax kale oo u ordaya hogaanka Puntland,wuxuu ka soo jeedaa beesha reer Maxamed ee Dubays. Wuxuu ku guulaystay in guud ahaan Puntland uu doorashaddii golaha degaanka ka qabto. Waxa la sheegaa in uu isa soo sharaxo inuu ku dhalaiyey madaxweyne Deni. Ma laha wax dhaliilo ah aan ka ahayn howl karnimaddii uu ku qabtay doorashada Puntland.

Ugu danbayn dhamaantood waxaan u rajenaynaa guul, waxaan kula shaqanaynaa sida ay bulshada reer Puntland guud ahaan ugu shaqeeyaan, gaar ahaan beesha ay magacooda ku joogaan baarlamaanka Puntland

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*