26th July 2024  admin  Category :

Waa maxay sababta uu Madaxeyne Deni ugu guulaysan karaa doorashada Puntlad

Degaanada Punland waxa ka socda ololaha doorasho ee lagu dooranayo madaxeynaha Puntlnd, taas oo la qabto shantii sanoba hal mar.

Doorashda madaxweynaha Puntland ayaa intii Puntland jirtay waxa soo dooran jiray Xildhibaano gaaraya 66, oo ka soo wada jeeda guud ahaan beelaha Puntland.

Madaxwynaha hadda xilka haya Cabdulai Siciid Deni, ayaa sanadkan isku dayey inuu wax ka bedelo dhaqanki hore oo wax lagu dooran jiay ee ahaa 66 Xilhibaan oo ay dalka ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod ah , taas oo uu soo tijaabiyey kuna guulaystay inay qabsoonto doorashaddii Xildhibaanada golaha degaanka ee degaanada Puntland, aan ka ahayn degaanada beesha Ciise Maxamuud oo siyaasiyiinta beeshaasi ku doodeen inaan doorasho lagu qaban karin xilligi ay soo gaartay in beesha Ciise Maxamuud, mar labaad madaxweyne ka noqdaan Puntland , waxayna sabab ugu dhigeen in Cimaan Maxamuud iyo Cumar Maxamuud ee Majeerteen ay mid labo goor u soo qabteen hogaanka Puntland.

Siyaasiyiintii Ciise Maxamuud ee Caasimaddii Puntland gaar u sheegtay iyo dhaqaale iyo maa gelin tiro badan oo ay ka heleen dawladda Feferaalka iyo Ururka Hawiye Action Group, lacagtaas oo ahayd mid horay looga cunaqabateey bulshada reer Puntland, oo maalintan lala sugayey, ayaa waxay ku guulaysteen inaan doorashaddii Madaxweyne Deni iyo Shacabka reer Puntland doonayeen ee ahayd qof iyo cod inaan puntland lagu qaban, ka dib makii ay xaafadihii caasimadda Puntland ay dhufayso ay qoryo kula jiraan ka dhigteen, dadkii kale ee magaalada ku martida ahaana ku khasbeen inay barakacaan. Qaarkoodna Barakacii ayeey ku dhinteen

Maanta inta badan Xildhibaanaddii beelaha ee dooran lahaa madaxweynaha ee dhaqankii hore ay reer Garowe doonayeen waa la soo dhamaystiray, waxaana la qabanayaa doorashaddii ay siyaasiyiinta Ciise Maxamuud, iyaga oo caasimadda afduub ku haysta ay ku khasbeen shacabka Puntland ee ah in 66 Xildhibaan madaxweynaha soo doortaan.

Doorashadan ayaa hadda waxay u dhaxaysaa madaxweynaha hadda Xilka haya Cabdulaahi Siciid Deni iyo siyaasiyiin laga soo maal geliyey Muqdisho, oo la doonayo in Puntland in lagu bur buriyo.

Ugu danbayntii Bulshada reer Puntlad sida muuqata ma doonayaan in madaxweyhadooda cusub ee la dooranayo 8 January 2024, ay subaxdaas u soo hanbaleeyaan saaxiibadiis ku soo maal geliyey burburka Puntland oo doonayey inuu guulaysto sida Madaxweyne Culusoow, Mahad Salaad, Fiqi, Adna Aadan iyo Cumar Geele. Taas bedlkeeda waxay doonayaan madaxweyne ay u soo hanbalyeeyaan Bulshada reer Puntland. Murashaxa quraxa ee ay kalsoonida ka haystaana inay Puntland sii jirto waa Cabdulaahi Siciid Deni, sababtaas ayuu madaxweynaha soo socda ku noqonayaa.

ALLSANAA.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*