16th April 2024  admin  Category :


Dowlada USA ayaa shaaca ka qaadey ineysan ka qeyb-gali doonin Shirka Higsiga Cusub sababo la Xiriira Khilaafka u dhaxeeya Labada Masuul ee kala ah Madaxweyne Hassan Iyo Raisal-Wasaare Abdiwali Sheekh Axmed. Sida muuqata baaqashada Dowlada Maraykanka ayaa hoos u dhigeysa Rajadii laga qabey Shirka New-Dealka Iyo Taabalkiisa, Waxaana Durba soo baxey Wal-wal Iyo Murugo soo Wajahdey dadka ka Soomaaliyeed.

Hadaba Yaa Masuuliyada ugu sareysa qaadan doona?? Soomaalidu waxa ey tiraahdaa Xaajo labo Nin kama wada qosliso, Kolka dib loo milicsado Khilaafka gacanta la galey Foolxumada hada muuqata waxaa saldhig u ah Isku-Shaandheyntii uu sameeyay Raisal-Wasaaraha taasoo ka careysiisey Madaxweynaha, Kolka taa laga yimaado Madaxweynaha waxa uu Faragalin cad ku sameeyay Shaqada Raisal-Wasaaraha oo isagu leh awooda Shaqo ee Golaha Fulinta, intaa howshu kuma ikaan

Madaxweynaha waxa uu soo saarey Warmurtiyeed lagu amarayo Wasiiradii isku-Shaandheynta lagu sameeyay iney sii wataan shaqadooda oo eysan dhag-jalaq u siin Amarka Raisal-Wasaaraha. Hadaba Xaaladi waxa ey halkaa joogto Beesha Caalamka waxa ey isku dayeen iney qaboojiyaan xaalada oo la helo Xal Siyaasadeed balse Kooxda Damul-Jadiid ayaa Wacad-ku marey iney kar-kaarta weydaarin doonaan Raisal-Wasaaraha.

Sida muuqata waxaa ifiya Leyer muujinaya Quus Siyaasadeed Iyo Dhalan-Rogan Siyaasadeed, Waxana la qiyaasayaa in Rajadii Dowladnimo 2016 ey Ceel aan Wadaan laheyn lagu ridey. Dadka Falanqeeya Siyaasada Somalia waxa ey tilmaameen dib dhac Dowladnimo Iyo Kalsoonidii Shacabka oo dhulka lagu dhuftey. Isku soo xoori Fashilka Shirka New-Deal, wax Masuuliyada ugu sareeya qaadan doona Madaxweynaha Somalia Hassan Culusow, Waxaan sidaa u lee yahay, wax ey tahay howsha uu gacanta kula jiro oo sharci daro ah, Raisal-Wasaarihii uu Shaqada u igmadey oo lagu heysto Barnaamijkiisi shaqo, Iyo Dastuurkii Dalka oo lagu Tumanayo, halka Xildhibaanadii Laaluush lala daba joogo taasoo loo arko Fashil Iyo Qaris-ka xoornimo Siyaasadeed. Shirka New-Deal ayaa lugta la galey Wadadii Burburka Iyo Quusta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*