4th December 2024  admin  Category :

Allaha ha u naxariistee Xasan Xayle, 1955 ayuu ka xumaaday sida Laasqoray loo dayacay. 60 sano ka hor ayuu   Gabaygan Xasan Xayle  tiriyey 1955kii, xilli uu ka maqnaa Laasqoray mudo dheer isagoo ogaa Laasqoray oo magaala maarso weyn ah, markii uu kusoo noqdayna wuxuu la kulmay magaaladii oo hoos u dhacday dadbadana ay ka guureen, wuxuna yidhi

Cishadaan ka degey Laasqoray cabatay dhowr jeere
Waxan idhi maxaad la cartantoo kuugu culus maanta
Waxay tiri kuwii cid iigu xigey wayga carareene
Waxay tiri cirooliyo wadaad ima ciseeyaane
Waxay tiri caruurtaan dhalay Cadan u dhooofsheene
Waxay tiri haddii lay camiro waan abaal celine
Ciidayda keliyaan malyuun cadad la siisteene
Badda ceeligeediyo marsadu waa I caawiyine
Maruun bay maraakiib camiran caasha soo dhigane
Waxay tiri caddaan iyo madow coonka waa imane
Waxay tiri kuweer cararayow ceelkii waa aniy
e….

Bal is waydii sababta dawladda Soomaaliya xitaa u soo hadalqaadi wayday warshaddii Kaluunka Laasqoray ee dalka Soomaaliya ee ka dhisnayd Laasqoray. Muqdisho Soomaaliya maaha. Lasqoreyna Muqdisho maaha.

Odayaashii Warsangeli ee 1886 Ingiriisku, markuu heshiiska la saxiixanayey, wuxuu kula dhici waayey in uu yidhaadho qaata calankeyga oo ciidiina ka taaga .

Waa nasiib xumo dadkii ka farcamay odayaashaa calanka Ingiriiska lugula dhici waayey in ay maanta harqad qabiil Hargeisa degani ay “calan” ka dhigteen intay soo qaataan, iney dhulkooda keenaan, iyagoo xitaa diyaar u ah in ay maradaa calalka ah u dhintaan. Waa aakhiru saban.


“…IT WAS NOT DEEMED advisable to press on the Warsnagli the acceptance of our flag…..” Consul Hunter, 1886

” …Ilama ahayn in wax lagu taliyo ay tahay  in Warsagenli lagu caddaadiyo in ay aqbalaan calanka Ingiriisiga[oo dhulkooda laga taago]….” Consul Hunter, 1886
Marka odayaasha Warsangeli xilligaa ay diideen CALANKA Ingiriisiga, isla markaana heshiiskooda gaarka looga dhigay, qabaa’ilka  Aadan Madoobe, Reer Dood, Sacad Yoonis, Muuse Carre, Cali Siciid iyo kuwa kale, CALANKA Ingiriiska ayaa farta laga saarayey oo ay sudhayeen ciidooda.  Halka hoose ka arag iyo lifaaqa(attachment) ka arag

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*