27th July 2024  admin  Category :

Dowladda Puntland oo Soo Bandhigtay Ciidan Ka Soo jeeda  Goostay maleeshiyaadka beelaha Isaaq.

Wararka naga soo gaaraya deegaanka HADH-WANAAG ee gobalka Sool ayaa sheegaya in cutub katirsanaa ciidamada Somaliland ee kusugnaa jiidaha hore ay maanta isku dhiibeen ciidamada Difaaca ee Puntland, waxaana lagu soo bandhigay aaggaas.

Sidda lagu sheegay war laga baahiyey warbaahinta dawladda Puntland ayaa lagu sheegay in ay ciidamadan oo tiro ahaan kor u dhaafaya 100 Askari, kana tirsanaa qeybta Gacan Libaax ee ciidanka Somaliland ay isku dhiibeen ciidamada dawladda Puntland.

Warbaahinta dawladdu maamusha ee PuntlandTV/RADIO,  ayaa lagu baahiyey sawirro muujinaya ciidamadan oo lasoo bandhigay, waxaana la xaqiijiyey oo kaliya in ay goobtaas tagtay warbaahinta dawladdu leedahay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*