11th October 2024 admin Category :
Heshiis kasta uu saxiixo siyaasi ama wasiir Soomaaliyeed oo dadka iyo dalka si daacad ah ugu shaqaynaya waxa ka hor yimaada Ganacsato Soomaaliyeed iyo warbaahin isku xiran oo aan dawladnimo doonayn
Websitka Caasimadda Online oo u sameeyey mid ka mid ahaa shaqaalaha VOA, inkasta oo uu hadda sheego inaanu wax ku qorin, ayaa waxa ku dhan oo wax ka qora inta badan ishaqaalihii hore ee Idaacdahii Shabeelee iyo Horn Afrik
Caasimadda online, qoraalka lagu soo qoro maaha mid lagu soo feegaaray ee waa mid ka soo maaxatay maskaxda ganacstada danaha gaarka leh iyo watbaahinta ay maal geliyaan, oo diidan in la helo Qarran Soomaaliyeed ioo dhamaystiran
Maalmahan danbe qaar ka mid ah ganacsatada Muqdisho iyo warbaahinta isku xiran , waxay aad uga xanaaqsanaayeen sharci Caalamka oo dhan ka jira oo uu wasiirka ugu shaqada badan Soomaaliya uu ku amray in laga fuliyo Garoonka Adan Cade ee magaalada Muqdisho
Wasiirka Duulista iyo Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Salaad Oomaar ayaa soo saaray amaro ku saabsan Shirkadaha Duulimaadka ee ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.
Wasiirka ayaa sheegay rakaabka Diyaaradaha ka raacaya Garoonka in looga baahan yahay Saddex saac ka hor in ay xaadir ku ahaadaan Afaafka Garoonka, wuxuuna shirkadaha Duulimaadka ku amray in aysan qolo kale ka kireyn karin Diyaarad rakaab ay sugayaan.
“Shacabka waa in ay xaadir ku ahaadaan irida Garoonka Saddex saac duulimaadkooda, sidoo kale uma dulqaadan doono Diyaarad rakaab ay sugayaan in qolo kale laga kireeyo, dadkii kalena la iska daadiyo.” Ayuu yiri Wasiirka Duulista.
Sidoo kale Wasiir Oomaar ayaa shirkadaha Duulimaadka faray in ay bilkasta soo gudbiyaan Jadwalka Duulimaadkooda, cidii isbedel uu ku yimaadana jadwalkeeda looga baahan yahay in ay soo wargeliso mudo aan ka yareyn Tododbo cisho kahor, hadii kalena uu qaban doono talaabo.
Wasiirka ayaa yiri “Diyaaradaha ku xadgudba inta aan soo sheegnay waxa ay la kulmi doonaan ganaaxyadan kala ah marka koowaad 2,000 oo Dollar, marka labaad 2,000 oo Dollar iyo 7 cisho oo shaqo ka fariisin ah iyo marka Saddexaad oo ah.
Kooxdan Gnacstada ah ee maal gelisa Caasimadda Online, oo sharcigan cusub uu wasiirku soo saaray ka caraysan iyo in la helo kala danbayn iyo nidaam dawladeed , ayaa maanta wasiirka ugu shaqada badan Soomaaliya waxay ka qoreen qoraal aan sal iyo raad toona lahayn oo sharaftiisa iyo karaamadiisa wax loogu dhimayo
https://www.caasimada.net/xog-shirkado-gaar-ah-si-sharci-darro-ah-loo-siiyey-xamuulka-qaadka-iyo-eedeyn-ka-dhalatay/
https://www.caasimada.net/majeerteenka-minnesota-oo-aflagaado-iyo-been-abuur-ku-hortaagan-maatneynta-muqdisho-iyo-saint-paul-video/