28th March 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo ayaa beelweynta Ogaadeen Ka sifeeyay Dawlada Fadraalka Federalka , xilalkiina Ka wada qaaday.


Bulshada Soomaaliyeed markii hore waxay islahaayen Dagaalka siyaasadeed Ee u dhexeeya Jubbaland iyo federaalka waa mid Xiriir la leh Doorashadii dhawaan dib loogu doortay Axmed islaam.Balse Farmaajo, wuxuu xilalkii iyo shaqooyin kii ay hayeen Ka eryay inta badan Wixii ay isku hayb ahaayeen Axmed islaam.ama Beesha ogadeen

Madaxweyne Farmajo ayaa Beesha Ka Dareemay inay tahay mid aan Raali ka ahayn in Meesha laga saaro Axmed Madoobe, wuxuuna ka waayay masuuliyiintan wax doco docoyn ah oo ay ku sameeyan axmed Madoobe,

Tusaale: Safiirkii Jaamacadda Carabta iyo masar

Safiirkii Indonesia

Qunsulkii Guud ee Ethiopia

Qunsul South Afrika

Qunsul dalka Qatar

Uqaabilsanaha Safaaradda sacuudiga dhanka ciidamada Millitary attachee

Hoggaankii caafimaadka ciidanka xoogga

Taliye saldhiga Bartamaha Muqdisho

Agaasime Guud boostada iyo isgaarsiinta

Agaasimaha waaxeed minxooyinka wasaaradda waxbarashada

Agaasime machadka Irshaad

Wasiir kuxigeenkii arimaha dibadda

Wasiir dawlaha awqaafta oo lagu dhahay safiir sacuudi oo been ah ayaa lagaa dhigYaa kadib lasoo diiday

Waxaa u dambeeyey agaasimaha waaxda Sonna ee wasaaradda warfaafinta

Intaas waa inta aan maskaxda Ka xasuusto waxaana macquul ah Inay Ka bad naan karaan.

Maanta la joogo wax safiir ah malaha reerka uu Ka dhashay Axmed islaam.

Intaas oo Qof waxay xil u hayeen qaranka Soomaaliya laakiin Dagaalka farmaajo uu Kula jiro Axmed islaam, ayaa sabab u ah Maadaama isku Beel yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*