29th March 2024  admin  Category :

C/raxmaan C/shakuur oo ka digay Siyaasiyintii Hawiye ee Farmaajo Diyaaradda u saaray Koonfur galbeed

C/raxmaan C/shakuur oo ka digay dabin siyaasadeed lagu kala fogeynayo Beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa soo dhoweeyay xildhibaannada loo soo xulay Baarlamaanka Koofur Galbeed, kaasoo durba ay ka dhasheen tabasho siyaasadeed.

“Waxaan soo dhoweynayaa xildhibaanada loo xulay Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo lagu jaangooyey tiradii ku qornayd Dastuurka KG oo ah 95 Xildhibaan. Waxaan xog ku helay in ay u badan yihiin dhalinyaro aqoon leh”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

C/raxmaan C/shakuur ayaa ugu baaqay Maamulka Koofur Galbeed inay xaliyaan dhibaatadii ay dowlada Federaalka ah ka geystay deegaanka xiligii doorashada, kana soo baxaan balantii ay shacabka Koofur Galbeed u qaadeen.

Mar uu soo hadal qaaday wax ka bedelka lagu sameeyay tirada Xildhibaanada Koofur Galbeed ayuu xusay in wax dabiici tahay in wax iska dhimaan saami qeybsiga beelaha, isagoo ka digay dabin siyaasadeed oo lagu kala fogeynayo Beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle.

“Haddii ay tirada xildhibaanada Baarlamaankii hore ahayd 149, waxaa dabiici in saamiga beelaha ay wax iska dhimaan. Waxaan ka digayaa in aan lagu dhicin dabin siyaasadeedka lagu kala fogeynayo beelaha Hawiye iyo Digil & Mirifle. Waxaan ku baaqayaa in la joojiyo xiisada siyaasadeed ee laga dhex hurinayo labada beelood ee dhaqan iyo deegaan wadaag ah”ayuu yiri.

Wasiiro iyo Xildhibaano ka soo jeeda Beelaha Hawiye oo dhowaan ku shiray Muqdisho ayaa cabasho ka keenay saamiga laga siiyay kuraasta Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Galbeed, waxaana maanta Baydhabo u ambabaxay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Islow Ducaale, iyagoo la kulmay Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen.

Sawirka hoose waa siyaasiyiintii Hawiye oo Farmaajo Diyaarad u saaray Koonfur galbeed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*