26th July 2024  admin  Category :

Koox ka soo jeeda beesha Maakhir oo Biixi kula kulantay huteel ku yaal caasimadda Maraykanka ee Washington.

Koox uu hogaaminayo weriyaha Talafishanka American TV, ee dhowaan aadka u buun buuninayey xiisad ka taagnayd qaybo ka mid ah gobolada Bari iyo Hayland, aadna u aflagaadeyey si xuna u caayey Suldaanka beesha Dubeys Suldaan Maxamed Cabdulaahi , ayaa habeenkii xalay u dhuuntay Hogaamiyaha SNM Gacan ku dhiigle Muuse Biixi.

Kulankan ayaa waxa fududeeyey Salabeen Cali Koore, oo qaar ka mid ah kuwa reer Makhir abtiyaal u ahaa.

Arinta u bahan in laga hadlo oo aan laga aamusin, ayaa waxay tahay in dhowaan dalka Maraykanka laga qaban qaabinayey mudaharaad looga soo hor jeedo Muuse Bixi, kooxdan habeenkii xalay la kulantay Muuse Biixi waa isku dayeen wax kasta oo ay mudahraadkasa uga hor tagi lahaayeen xitaa waxay gaareen inay beelaha Warsangeli fidno ka dhex abuuraan oo yiraahdaan ” Reer hebel ayaa mudaharaadka samaynaya oo doonaya inay Mustafe Godane oo ah wasiir Somaliland ah inay xilka kala wareegaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*