29th March 2024  admin  Category :

Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo Kalsoonidi kala laabtay Wasiirada Puntland

Mudanayaasha barlamaanka Puntland oo ku guda jira kalfadhigoodii 39aad ayaa maanta waxaa kulan ay yeesheen ay kalsoonidii kagala laabteen golihii wasiirada Puntland.

Kooramka oo ay soo xaadireen 57 Xildhibaan ayaa waxaa shir gudoominayey gudoomiyaha barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa waxaa la horkeenay mooshin ay ku saxiix naayeen in ka badan 40 xildhibaan.

Gudoomiye Axmed Cali Xaashi oo furay kulanka ayaa ka codsaday xildhibaanada inay si waadax ah codka kalsoonida ugu qaadaan xukuumadda, waxaana codka kalsoonida kala laabtay 47 mudane, waxaana ka aamusey 9 xildhibaan halka hal xildhibaana uu diidey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*