26th April 2024  admin  Category :

Boodaaye: Horta odaygaan maalin kasta iska hadla ma falxalkuu cabaa?

Jacfar:  May falaxalka ma cabee ee waa oday qaadka jabanaha aad u badsada;

Boodaaye: Ninyahoow ma annaan garan odayga inuu si u duulayo;

Jacfar: Maxaa ka galay ciidanka Sool iyo Sanaag laga qorayo ee dawladda federaalka ka mid noqonaya?

Boodaaye: SNMta nolosha dhinaca qiyaaliga ayeey kaga nooshahay, laakiin iyagaa runta u soo dagaya;

Jacfar: Wuxuu yiri 1994tii ayaa Soomaaliland la wadda dhistay oo dadka oo dhan ayaa u dhammaa ma runtiiisbaa?

Boodaaye: War wax ka jiraa ma jiraan heshiiskaas; heshiiskaas wuxuu ahaa sidii dadka dhulka wada deggan ay nabad ugu wadda noolaan lahaayeen, laakiin dawlad in la wada dhisto waa mid jeebkooda ah.

Jacfar: Waxa aan aad ulla yaabaa reerkan SNMta ku abtirsada;

Boodaaye: Maxaa dhacay?

Jacfar: Waxeey yiraahdeen dawlad ayaa na xasuuqday sidaa darteed ayaan u goosaneenaa haddaan nahay beesha Isaaq, haddana dadka dhulkoodii ayaa laga dhigi la’yahay;

Boodaaye: Horay ayeey Soomaalida waxeey u tiri, “Nimaan shantaada kaa reebin sharci kaama reebo” marka nimankaan in la garaaco ayeey dhulkaa sheegashadiisa ku deenayaan, si kalle maya;

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*