26th July 2024  admin  Category :

Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa kalsoonida kalla noqday gollaha Wasiirada ee Puntland. Hase ahaatee, arrintan ayaa aheed mid soo shaacbaxday maalin ka hor, iyadoo intii taa ka horeesay aysan jirin cid oggeed.

Baarlamaanka Puntland ma aysan magacaabin wasiirada Puntland ee shaqadooda guddan waayey, mana dhici karto in wasiirada dhamaantood laga dhigo dad aan shaqadooda guddan karin. Hadaba, tallaabada Baarlamaanka Puntland ay qaadeen ayaa ah mid shaki badan uu ku gadaaman yahay, waxeeyna u egtahay sheekadan dhacday mid la isla oggaa, laakiin shacabka loo tusayo mid ka timid baarlamaanka dhinacooda.

Waxaa ay aheed haddii cid la ridayo in la rido madaxweeyne Gaas oo isagu ahaa ninkii keenay gollaha wasiirada ee la eedeenayo, isaga ayeeyna aheed in wasiirkii shaqadiisa loo boggi waayo inuu mar horre bedello. Dhinaca kalle, haddiiba wasiiradii Puntland oo dhan ay yihiin dad aan shaqadooda guddan karrin, maxaa diiday in Gaas uu berina keeno kuwa ka sii liita kuwa hadda la eedeenayo.

Tan kalle oo aysan sheekadaan u iibsameen ayaa ah sababta madaxweeyne Gaas uu u hor istaagi waayey in wasiiro dhan laga dhigo dad aan shaqadooda guddan karin isaga oo hortagaya baarlamaanka ama baarlamaanka la shiraya si wasiirada oo dhan aan la isugu qaadin taas oo ah mid aan cadaalad aheen.

Marka sheekadaan oo dhan ee la leeyahay baarlamaan ayaa kalsooni kalla noqday wasiiradii Puntland waa arrina laga leeyahay arrimo kalle, mana aha mid ku qotonta caqli saliim ah iyo xigmad toona.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*