26th April 2024  admin  Category :

Xukumada Farmaajo ma albarakaat ka qaad oo albarakaat udhiib baa?

Inta aanan ugadagelin nuxurka faalada bal marka hore aan idiin balbalaadhiyo ciwaanka qormadan iyo sababta aan usoo qaatay.Xiligii maxaakiimtu ay la wareegeen inta badan xaafadihii ay ka talinayeen hogaamiye kooxeedyadii magaalada Muqdisho ayaa ugu maalmihii ugu dambeeyay waxay ciidan soo dul dhigeen aag uu ka talinayay Cabdi Qeybdiid hub badana ku haystay waxayna amreen inuu hubka soo wareejiyo.Cabdi Qeybdiid ayaa isku dayay inuu difaacdo aagii iyo hubkii badnaa ee gacanta ugu jiray wuxuuna bilaabay inuu baala xoofteeyo taasoo markii dambe ushaqayn weyday.Doodihii ay xiligaas hogaamiye kooxeedyadu ku doodi jireen  waxaa kamid ahaa in hubka ay haystaan uu yahay hub beeleed sidaas darteedna aysan cid kale ku wareejin karin.Madaxdii maxaakiimta oo arintaas ka duulaya ayaa Cabdi Qeybdiid usoo jeediyay inuu hubka kuwareejiyo maxkamada AlFurqaan oo ahayd maxkamad kutiilay aagii uu Cabdi Qeybdiid qabqablaha ka ayna maamulayeen rag katirsan  Beeshiisa waxayna kamid ahayd maxkamidihii ku midoobay Midowgi Maxkamadaha Islaamka ee markaas isaga dagaalka kula jira.Cabdi Qeybdiid oo ay qaadan waa ku noqotay arinta lo soo jeediyay kuna halqabsaday xawaalidi albarakaad ee xilagaas jirtay ayaa yidhi arintu ma albarakaat ka qaad oo albarakaat udhiib baa?

Madaxweyne Farmaajo maalin dhaweyd wuxuu iclaamiyey in dalku galay xaalad dagaal isbadalna lagu sameeyay taliyeyaashii ciidamada kala duwan ee qaranka.Hadaba Waxaan doorbidnay inaan akhriseyaasha la wadaagno dhaliilo nooga muuqday qaabka madaxwnuhu u iclaamiyay xaalada dagaal iyo isbadalkii lagu sameeyay taliyeyaasha laamaha kala duwan ee ciidamada qaranka iyo qaabkii loo maray magacaabistooda.

Dhaliisha koobaad:ku dhawaaqistii xaalada dagaal

Marka uu madaxweyne qaran kasoo muuqdo shaashadaha isagoo qaba tuutihii qaranka wax laga sugaaba waa in hadalka uu ujeedinayo shacabka noqdaa mid qiimo ku fadhiya oo saameyn leh hadiise hadalka madaxweynuhu iska noqdo mid aan saameyn lahayn oo iska dheh ah waxay arintani dhaawacaysaa maqaamkii madaxweynaha iyo xurmadii uu mudnaa hadalkiisu.Mar hadii uu madaxweynuhu xaalad dagaal iclaaminayo waxay ahayd in arintaas laga dareemo xarumaha ciidanka iyo aagaga la isku horfadhiyo Alshabaab.Waxay ahayd ugu yaraan in madaxweynuhu hadalkan jeediyo kadib hal weerar oo ay ciidamadu ku qaadeen xarumaha Alshabaab.Madaxweynuhu wuxuu dagaal iclaamiyey iyadoo uusan wax weerar ah dhicin hadalka madaxweynaha ka hor iyo kadibba,arintan waxay badhaxday miisaankii iyo qadarintii uu mudnaa hadal madaxweyne.

Dhaliisha labaad:Habka loo maray magacaabistii taliyeyaasha laamaha ciidamada qaranka
Dowlada fadaraalka ee Somalia waxay ku dhisantahay nidaamka awood qeybsi oo beelaha Soomaaliyeed kusoo heshiiyeen ee 4.5 ama 5 beelod.Inkastoo uusan nidamkan sax ahayn hadana waa arin Soomaalidu xal mooday oo ay ku heshiisay waxaana wanaagsan in wixii lagu heshiiyay la dhowro inta nidaam kale oo arintan ka duwan laga gaadhayo .Waxay ahayd in xukumada madaxweyne Farmaajo ilaaliso nidaamkii lagu soo doortay si cadaalad ahna beelaha ugu qeybiso xilalka qaranka hadii kale xukumadu waxay noqonaysaa Awr heeryadii saarnayd cunay.

Xilalka ugu horeeya ee ah in Beelaha si cadaalad ah loogu qeybiyo waxaa kamid ah taliyeyaasha ciidamada.Magacaabistii taliyeyaasha ciidamada waa mid hareer marsan nidaamka awood qeybsiga ee beelaha Soomaaliyeed ku soo heshiiyeen.Afarta taliye ee la magacaabay laba kamid ah waa isku beel arintaas oo iin ku noqon karta cadaaladii laga sugayay xukumada Farmaajo.

Dhaliisha sadaxaad:Dib umagacaabista hogaamiyeyaashii shalay(Recycling leaders)
Xukumada madaxweyne Farmaajo waxay xilalkii qaranka badankood ku taxday rag xilal kala duwan kasoo qabtay xukumadihii dalka soo maray ee xukunka ku wada fashilmay gaar ahaan rag rukumo u ahaa xukumadii udambaysay.Waxaa la yidhi meyd maxaa ugu dambeeyay kaas hada lasii wado,sadax kamid ah kamid ah afarta taliye ee la magacaabay waxay horay usoo qabteen isla xilka hada loo magacaabay guulse kama kaynin qaarkoodna xil gudasho la’aan ayaa horay xilka looga qaaday.Sanbaloolshe wuxuu horay uso noqday taliyaha nabadsugida,Maxamed Axmed Jimcaale wuxuu horay usoo noqday taliyaha ciidanka xooga halka Saacid uu horay usoo noqday taliyaha booliska.Shacabku isbadal wax ku ool ah ayay sugayeen iyo in la magacaabo xubno wax ka badali kara xaalada amni ee dalka ee ma aysan fileynin albarakaat ka qaad oo albarakaat udhiib!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*