26th July 2024  admin  Category :

Caydiid ayaa xilka u magcaabay 21 sano ka hor maanta ayaa laga qaaday

Wuxuu ahaa agaasimaha ugu waqtiga dheer dawladda federaalka, maanta ayaana kama dambeys xilkii laga qaaday kadib waraaq kasoo baxday xafiiska wasiirka cusub ee warfaafinta.

 

Cabdirisaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi) waxaa xilkan u magacaabay Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid xiligii uu heystey Radio Muqdisho sagaashanaadkii, wixii xiligaasi ka dambeeyeyna dawlad kasta oo timaada illaa dawladdii Carte Bahlaawi wuxuu ku shaqeynayay xilka agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta.

Maant warqad kasoo baxday wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Yariisoow ayaa lagu sheegey in agaasimaha lagu eedeeyey xil gudasho la’aan iyo musuqmaasuq, sidaasi darteedna si kumeelgaar ah xilka loogu dhiibey Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala oo ahaa agaasimaha guud ee wakaalada wararka SONNA.

Dhanka kale waxaa la badalay agaasimaha guud ee SNTV, waxaana xilkaasi loo magacaabay Liibaan Cabdi Cali oo muddo dheer ka tirsanaa warbaahinta dawladda, halka agaasimihii hore Cabdinaasir Xuseen loo magacaabay Agaasimaha maamulka iyo maareynta.

Sidoo kale waxaa la magacaabay agaasimaha Radio Muqdisho, waxaana xilkaasi loo magacaabay Jeyte oo ahaa wariye ka tirsan warbaahinta dawladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*