27th July 2024  admin  Category :

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Guddoomiye Ku-Xigeenka, iyo Guddiga joogtada ee Baarlamaanka puntland. Waxa ay kawada hadleen sidii ay wada shaqeyn u dhexmari laheyd Guddiga Arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka Puntland iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee dawladda Federaalka.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha sida wanaagsan ee uu u aqaabilay wafdiga uu hogaaminayo.

“Waan kaaga mahadcelinayaa sida quruxda badan ee aad noo qaabishay aniga iyo wafdiga aan hogaaminayo oo magaaladan u jooga in ay kulamo wadatashi la yeeshaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxa aan idinka rajeyneynaa in aad na la garabgashaan hawsha muhiimka ah ee dib u eegista Dastuurka ee aan Qaranka Soomaaliyeed u hayno” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Ugu dambeyn, Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka ayaa kulamo la qaadan doono dhaman masuuliyiinta sar sare ee dawlad goboleedka Puntland.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*