26th April 2024  admin  Category :

 

Ciidamada ammaanka Muqdisho  ayaa goor dhow dad isugu jira ajaaniib iyo Soomaali ka soo bad baaday Maqaayad Posh Treats oo caawa fiidkii qarax xooggan uu ka dhacay agagaarkeeda.

Wararka ayaa sheegaya in in dadka la soo bad baadiyay ay isugu jiraan Itoobiyaan iyo Kenyan oo shaqaale ka ahaa Maqaayada Posh Treats.

Sidoo kale waxaa la soo bad baadiyay dad kale oo ahaa dadkii maqaayada ka cunteynayay, waxaana markii hore jiray xaalad hubaal la’aan.

Warar kala duwan ayaa markii hore ka soo baxaya qaraxa oo bartilmaameedkiisa la sheegay inuu ahaa maqaayada Posh, hase ahaatee waxaa muuqata in qaraxyada ay si isku mid u saameeyeen labada Maqaayadood ee Pizza House iyo Posh Treats.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegaya in ugu yaraan lix ruux ay ku dhinteen qaraxa, isla markaana ay jiri karaan in khasaaraha intaan ka badan karo.

Xaalada ayaa wali qasan, iyadoo goor dhow la ogaaday in dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha ugu jiraan Maqaayadda Pizza House.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*