27th July 2024  admin  Category :

Xoolo iyo raashin ka garsiiyey Shaqaalaha jidka barkaysan ee Ceel daahir iyo Ceerigaabo

Ururka Haweenka ee Fatxul Khayr ayaa shaqaalaha wadada Ceeldaahir-Ceergaabo ugu deeqay 15 neef oo adhi ah , Timir, Khudaar , iyo Sharaab, taasoo ay uga jeedaan dhiirri gelin iyo iney muujiyaan sida ay u garab taagan yihiin shaqada socota.

shaqaalaha Wadada ayaa shaqo kulul oo 11 saac ka badan qabta , taasoo ay u baahan yihiin hilib iyo sabar gashi.
mana aha markii ugu horeysey oo bulshada reer Sanaag ay shaqaalaha dhiirri gelin u sameeyaan ee waxa jirtey in labo rati iyo sharaab la gaadhsiiyey horraantii bishan Febraayo 2017.

Qoraalkan waxaan ka soo xiganay Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

No automatic alt text available.

Image may contain: one or more people, sky and outdoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*