10th May 2024  admin  Category :

Dawladda Federaalka iyo dalka Sacuudiga ayaa ka waddda hadlay xoolihii dhawaan ka tagey magaalada Berbera in laga dejiyo markabka sida wararka ay sheegayaan. Xoolahan ayaa ka tegay Berbera iyaga oo aan wadan warqadda caafimaadka ee Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Hadaba, labada dal ee Sacuudiga iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyay in Maamulka Hargeeysa xoolaha ka imanaya ay soo qaataan warqada caafimaadka ee dawladda federaalka haddii kalle aan dib danbe looga dejin doonin markabka, laguna cellin doono meeshii ay ka yimaadeen.

 Hase ahaatee, Maamul Goboleedka Hargeeysa ayaa iska dhigaya in markabka ay iyaga xoolaha ka dajiyeeyn oo ay la hadleen dawladda Sacuudiga taas oo ah mid aan waxba ka jirin. Dawladda federaalka ayaa markabka xoolaha ka dajisay taasna waa in ay oggaadaan dadka shacabka ee maalin kasta beenta loo sheegayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*