26th July 2024  admin  Category :

Musharixiinta u sharaxan xilka madaxweeynaha ayaa la baxay “Musharixiint Mucaaradka” taas oo ah mid khaldan. Waxaan ognahay in shaqsiyaad badan la siiyey shahaadooyin ay ku furteen xisbiyo, balse welli la iskuma raacin inta xisbi ay dalka Soomaaliya yeelan doonaan iyo sida loo kalla saari doono.

Hadaba, xisbi waxa uu sheegan karaa in uu yahay xisbi qaran marka la ansixiyo xisbigaas, loona aqoonsado xisbigaas mid buuxiyey shuruudihii oo dhan . Xisibiyada ay hadda sheeganayaa Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh iyo kuwa la midka ah dhammaantood waa xisbiyo boos ceshi ah.

Maanta, musharixiinta ka hadlaya magaalada Muqdisho, ma jirto sharciyad ay kulla xisaabtamaan dawladda oo ay leeyihiin; sharciyadda ay dawladda kulla xisaabtamayaan xagee ayeey kalla yimaadeen? Hadaba, dalka Soomaaliya maanta waxaa welli ka jira nidaamka 4.5 ee wax lagu soo doorto, dalka wuxuu leeyahay dawlad, maamul goboleedyo, baarlamaanka la soo xulay oo ka kalla yimid maamulada dalka.

Maanta Shiikh Shariif waxa uu maamulkiisa yahay Hirshabeele, meesha Xasan Shiikhna uu maamul goboleedkiisa yahay Galmudug ama Hirshabeele; sidoo kalle, musharixiinta kalle ee sugaya ineey doorashada soo socota gallaan dhammaantood waxeey ka kalla yimaadeen maamul goboleedyo. Hadii musharixiinta ay qabaan cabasho ku aadan guddiga ay dawladda soo magacawday ama arrimo kalle, waa in musharixiintaas cabashada ay qabaan ay kalla xiriiraan maamulka ay ka yimaadeen.

Waxaa qalad ah in musharixiin aan inaba heeysan wax sharciyad ah ay amni darro iyo khalkhal ka abuuraan dalka, iyaga oo welliba hanjabaad idaacadaha la taagan habbeen iyo maalin. Farmaajo hadii uu qaldan yahay waxaa la xisaabtami kara waqtigan maamulada ka jira dalka iyo baarlamaanka, balse shaqsiyaad aan sharciyad meel ay ka heeystaan aan la aqoon waxaa waajib ah in dalka iyo dadkaba laga qabto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*