29th March 2024  admin  Category :

Wiil yar ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa uu u yimid aabbihiis, waxa uuna ku yiri aabbe waxaan doonayaa in aan dawarsi tago oo aan suuqa daasad dhigto. Odaygii wiilka dhalay ayaa wiika cirka uga soo booday kuna yiri, “ Doqon ayaa tahay, ma hadeer ayaad ii keentay adiga oo wiil yar dawarsi iyo daasad ayaan suuqa dhiganayaa duf ku bax.”

Wiilka ayaa odaygii ku yiri, “aabbo maxaad ii canaananeeysaa, ma anigaa wax xun sameeyey?” Odaygii wiilka dhalay oo yaaban ayaa yiri, “Canaan ma’ahee madax ayaan kugu dhufanayaa mar danbe hadii aad nacasnimadaas iila timaado.”

Wiilkii yaraa oo ahaa wiil caqli badan ayaa ku yiri, “Aabbo mala socotaa in Soomaali hadii aynu nahay aan dawarsi ku nool nahay?” waxaad maqleeysaa:

Beesha caalamka raashin mucaawino ah hanagu soo caawiso;

Beesha caalamka daawadii xoolaha iyo midii dadka hanoo keento;

Beesha caalamka guryihii ayaa daadad iyo duufaanno naga dummiyeen ee guryo dhaqso ha nalloogu dhiso;

Hay’adaha horrumarinta waxaan ka codsaneeynaa ineey naga caawiyaan ceelasha biyaha dadkii biyo la’aan ayaa eber ka dhigtay;

Waxaan wadamada deeqda bixiya ka codsaneeynaa in nalaka caawiyo dhismaha ciidanka, xafiisyada wasaaradaha, horumarinta beeraha, la dagaalanka ayaxa, iyo dib u dajinta barakacayaasha;

Odaygii ayaa wiilkiisii markii danbe maslaxay oo ku yiri, “Aabe hadii aad daasad suuqa dhigato waxaa la oranayaa waa wiilkii ina hebel oo dawarsanaya, marka dadka oo dhan ayaa nagu caayaya, balse dawarsiga beesha caalamka Soomaali oo dhan ayaa daasad weeyn u wada sidata oo welliba ku faraxsan, waana wax lagu wada faanayo.”

Wiilkii yaraa ayaa fahmay aabbihiis waxa uu ka hadlayo, balse wiilka yar waxaa ka dhaadhici weeyday in hadii uu daasad yar suuqa la fadhiisto la caayayo, meesha daasadaha waaweeyn ee Soomaali oo dhan ay adduunka ku dawarsaneeyso aan lala yaabeeyn.

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*