26th July 2024  admin  Category :

Xisbiga Daljir iyo Dhalaankii Damuljadiid yeey khaldayaan?

Xisbiga Daljir oo Qurbaha iyo Muqdisho xafiisyo ku leh,  oo ay hor boodaan siyaasiyiintii Soomaali dhigay halka ay maanta taalo, ayaa hadda  iyaga oo doonaya inay fashiliyaan madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya  Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxay doonayaan inay kula  gorgortamaan inay helaan R’aisawasaaraha Soomaaliya.

Marka hore Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo xisbi ma dooran, mana jirin xisbiyo tartamayey oo qaarkood guulaysteen kuwana laga raayey. Hase ahaatee waxa doortay xildhibaano laga soo doortay guud ahaan Soomaaliya. Waana sababta keentay in guusha madaxweyne Soomaaliyeed markii ugu horaysay abid  laga soo dhaweeyo inta u dhaxaysa Baargaal iyo Baydhabo.

Marka labaad Xildhibaanada doortay madaxweyne Farmaajo waxay ka soo wada  jeedaan dhamaan Beelaha  Soomaaliyeed, oo horay ugu heshiiyey sidii ay wax ugu wada    qaybsan lahaayeen xilalka ugu sareeya Soomaaliya , inkastoo ayna dastuurka ku qornayn  ee uu yahay xeer laysku afgartay . Kursiga Raisawasaaraha Soomaaliya  sidii lagu heshiiyey in wax lagu qaybsado  maanta waxa  iska leh beesha Hawiye oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed. Beelweyntani muwaadin dalkiisa diintiisa iyo Soomaali jecelba waa ka buuxaan. Sidaas awgeed Xisbiga daljir iyo muwaadinka ay wataan ha la  sugeen maalintii Soomaali ay ku tartanto xisbiyo oo doorashaddu ay  noqoto nin iyo hal cod, ayna  guulaystaan doorashada cod dheeri ama xulafaysi xisbiyada  kale ee dalka ka jira

Arinta labaad oo maalmahan Muqdisho lagu hadal hayo ayaa waxa ka mid ah in qaar ka mid ah dhalaankii Damuljadiid sida Fahad Yaasiin iyo Cali yare, oo wargaysyada ku hadla afka carabiga iyaga oo ku gabanaya aflagaadayn jiray Puntland iyo Dadkeeda, in ay maata iyaguna sheegtaan inay yihiin Muwaadiniin jecel Soomaaliya.Tasina  Waa marin habaabin iyo sababta Soomaali la degi la’adahay. Fahad Yaasiin isaga oo isku xayeesiinaya mid ka mid websiyada Muqdisho, ayaa  waxa uu sheegay inay madaxweyne Farmaajo iyagu keeneen. Sidaas awgeedna xaq u leeyihiin inay soo xulaan raisawasaaraha.

Waa kan qoraal ka mid ah  Qoraaladdi dadka cuqdadaysani ay qoreen

http://studies.aljazeera.net/reports/2014/11/2014112062155615209.htm

 

Arinta sadexaad  waa beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed oo maalintii shalay iyaguna Odayaashoodii ay shir ku qabteen magaalada  Muqdisho,  oo iyaguna sheegeen in taageeradooda uu  madaxweyne Farmaajo uu xilka ku helay . Sidaas awgeeda ay xaq u leeyihiin inay helaan Raiswasaaraha soo socda

Ugu danbaytii Guushii uu madaxweyne Farmaajo ku guulaystay madaxweynaha Soomaaliya , waa guul u soo hoyatay dhamaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay aduunka ka  joogaan. Isla markaana waxa jira Cadow Soomaaliyeed oo aan doonayn in la helo Qaran Soomaaliyeed oo dhamaystiran, Tusaalaha ugu fiican waa hadalkii  dhowaan  uu yiri Raisawasaaraha Itoobiya oo ahaa in beel Soomaaliyeed gaar u leedahay inay qabato  madaxweynaha Soomaaliya isaga oo iska hor keenaya bulshada Soomaaliyeed. Dhalaanka Damuljadiid iyo Daljir oo sida ay wax u doonayaan wax u hela ama talo laga qaato   waa futrsad uu helay Rw Hailemariam Desalegn. Taasina maaha mid ay doonayaan umadda Soomaaliyeed ee guusha madaxweyne Farmaajo uga dabaal degaya Baargaal ilaa Baydhabo inta u dhaxaysa.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*