28th March 2024  admin  Category :

Raysulwasaaraha Ethiopia oo uhambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Somalia

Raysulwasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa uhambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Raysulwasaare Hailemariam ayaa hoosta ka xariiqay in dowladiisu ay ka go’antahay diyaarna utahay la shaqeynta madaxweynaha cusub ee la doortay ee Somalia si horumar ugaadhaan labada shacab ee Somalia.

Raysulwasaare Hailemariam ayaa sidoo kale bogaadiyay madaxweynihii hore ee Somalia sida ugu dedaalay in doorashadu si guul ah ku dhamaato.

Raysulwasaaraha oo wareysi siiyay wakaalada wararka ee ENA ayaa sheegay guusha doorashada Somalia waxa ay muujinaysaa in Somalia cagta saartay wadadii dimuqraadiyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*