26th July 2024  admin  Category :

Maanta waxaa Soomaalida u furmay bog cusub, waxaa la qubay qabyaaladdii gundhigga u ahayd kala qoqobnaanta iyo laaluushkii in dhaha u ahaa siyaasadda Soomaalida. Waxaa la oran karaa Xildhibaanada ka hor Farmaajo shacabkaa u codeeyay.

Doorashada Farmaajo waxay tusinaysaa in Soomaalidu marka ay xor ka tahay ficiltan qabyaaladda ku dhisan ay tahay Sunaami aysan cidina hor istaagi Karin. Maanta gamuun lamafilaan ah wuxuu kudhacay dalal badan oo Soomaalida la maaganaa dibindaabyo, waxaad ka dheehan kartay wajida qaar kamid ah ergooyinka shisheeye ee madasha doorashada xaadirka ku ahaa murugo iyo niyad jab xoogan. Sababta ugu wayn waa xildhibaanada oo u hiiliyay shacabka ay matalaan, doortayna qofkii ay taageersanaayeen.

Gudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya daaye, guusha Farmaajo waxaa looga dabaal dagay tan iyo NFD, dalalka ay dibad joogtu ku nooshahayna warkoodba daa. Arintani waxay ku tusinaysaa sida uu u liibaanayo qofkii Shacabkiisa u adeegga, wanaagna ka kasbada. Dadka qaar waxayba ku tilmaamayaan guusha Farmaajo ee manta tii Erdogan ee dalka Turkiga.

Isku soo xooriyoo, Farmaajo qabiil ma dooran ee qaran baa doortay, shisheeye ma keensan ee Soomaali baan keensatay, sidaasi darteed kubaddu haatan dhiniciisay jirtaa. Waxaa laga rabaa inuu dalka u xulo dad wanaagsan oo hogaanka la toosiya iyo saaxiibo wanaagsan oo samo-katalis ah, ra’iisul wasaare iyo xukuumad da’yar u badan oo tayo, karti iyo aqoon leh, ka fogaanshaha adeegsiga iyo wax u dhiibashada siyaasiyiinta xanbaarta leh. Xoojinta iyo awood saarista 5 wasaaradood oo kale ah Gaashaandhigga, Maaliyadda, Cadaaladda, Arimaha dibadda iyo Arimaha gudaha kuwaasi oo gundhig u ah jiritaanka qarannimadeena.

Waa lagama maarmaan in dib loo eego xiriirka aynu la leenahay dalalka Afrikaanka iyo kuwa Carabta. Sidoo kale waa muhiim in la xoojiyo xariirka aan la leenahay Turkiga isla mar ahaantaana dib loo furo cilaaqaadkii dhumay ee inaga iyo Ruush.

Gabagabadii, Farmaajo shacabku waa u riyaaqay, xildhibaanaduna waa ku waafaqeen ee asna aqbal keed ha keeno.

KismaayoNews.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*