27th July 2024  admin  Category :

Fariintii Allsanaag u diraty Madaxweyne Culusoow maalintii la doortay, oo aanu ku khasaarnay ayaa maanta u diraynaa madaxweyne Farmaajo

( الف مبروك يا صوماليين )


اهلا وسهلا بالرئيس الجديد لجمهورية الصومال الفيدراالية

حسن شيخ محمود

{Allsanaag} Soomaaliya waa tiyaatar aan iridiisa la ilaalineyn oo dal kastii riwaayaduu rabo ku dhex jilo, waa maqaaxi adduunka u furan oo khamaar diblamaasiyeed ay ku cayaaraan ciday rabaan, waa dhul aan cidi ilaashan oo ciidan kastii galo oo meeshuu rabo ka tago iyagoo, hadday rabaan, Soomaalida sida xoolaha u laynaya, waa suuq aan nidaam lahayn oo fawdo ah oo duul kasta oo raba iney cid dhiig miirtaan, si ay lacag uga sameeyaan, u soo shaqa tagaan.

Cid kasta oo sheegata iney shayaadiinta (Shabaab) la dagaalameyso dalka ha soo galeen oo siday doonaan ha ka yeeleen. Sidaa hadal la macne ah waxa qoraalka hoose ku sheegay Diplomaasi Jamaal, oo ka mida shaqaalaha Soomaalida u jooga Qaramada Midoobay. Wuxu yidhi cid kasta oo tiraahda shabaab baan la dagaalameynaa dalka Soomaaliya waa soo geli karaan, siday doonaana waa ka yeeli karaan, haddii aaney xitaa sharciga caalamiga iyo kan dalka ilaalineyn.

EJ Hogendoorn, oo ka tirsan International Crisis Group, wuxu ku sheegay qoraalkan in tirada ciidamada Itoobiyaanka ee Soomaaliya ku jira aan la aqoon laakiin ay KUMANAAN gaadhayaan[hoos arag]

Dawlada Soomaaliya ee cusub caqabado AAD IYO AAD U WAAWEYN baa horyaala, oo sidaa Jamaal u hadlay si ka duwan waa ku adkaan doontaa in ay u hadlaan. Haddana waa og yihiin in aan weligeed dawlad SOOMAALIYEED dhalan doonin inta Itoobiya iyo Kiiniya ay arrimaha Soomaaliyeed faraha kula jiraan. Waa ogyihiin iney 20 sano IGAD, shirar beena iyo woorloodha isticmaalayeen oo maantana shayaadiin iyo tabo kale adeegsanayaan, iyagoo AMISOM ku hoos dhuumanaya.

Xilligan xaalada cakiran ee Soomaaliya ku jirto qofka eegaa markuu arko sida labadaa dal ay Soomaaliya uga dhigteen xero geel aay ciyaartay rabaan ka hor tuntaan, wuxu qiyaasi karaa in Soomaaliya nabad dhab ahi ka dheertahay.

AMISOM lama dafiri karo doorka ay ka ciyaartay in Xamar laga saaro Shayaadiinta waxa ku shaqeysta aan la garaneyn oo gardaradii Itoobiya dalka ku soo gashay ka dhex sameysmay. Laakiin maxay kuugu taalaa, Shabaab haddii laga saaray Xamar, dilalka shiishyahanada tababar iyo qaraxyada casriyeysan oo magaala madaxda lagu sameynayo waa sii badanayaa. Waa taa madaxda iyo shacabka Soomaalidu, iska daa xafiisyada iyo meelaha dawladee inay tageene, masaajideeda laga waaliyey. Yaa waxa wada!!!!!

AMISOM ilaa iyo hadda waxa la odhan karaa kama madaxbanaana siyaasadii Soomaali duminta ee Itoobiya iyo Kiiniya, oo IGAD adeegsanaysa, fulin jireen. AMISOM ilaa iyo hadda waxay shaabahdaa IGAD oo direys militari xidhatay.  Waa taa ITOOBIYA u ogaalatay oo sahashay iney Soomaaliya siday doonto ka yeesho, halka ay gardaradii KIINIYA ciidankeedu dalka ku soo galeen ku abaal marisay iney AMISOM ku biiraan.

AMISOM(AKA IGADSOM) haddii aanay dalka joogteen, Soomaalidu xadgudubka iyo gardarada ciidanka ITOOBIYA ciidooda ku joogaan waa ka dagaalami lahaayeen, sidii caadada u ahaan jirtay. SOOMAALIYA oo woorloodha qasayaan ITOOBIYA IYO KIINIYA siday hadda ka sameynayaan kama sameyn jirin. AMISOM ayaa SOOMAALI itoobiya u kaday. THANKS TO AMISOM!!!

IGAD iyo UNtu dawlada ay sameeyaan waxay ku dedaali doonaan iney ahaato jiir qafis ugu jira laba bisadood oo Itoobiya iyo Kiiniya metela. Labadaa bisadood, sida hadda AMISOM wado, jiirkaa dawlada Soomaaliyeed la midka ahi, qafiska Soomaaliya ahna la geliyey, ayey hadba dhinac ka soo galayaan oo jarjarayaan. Aakhirka goolkoodu waa iney waslad waslad u wada cunaan. Cunidaasi tabo iyo xeelado siyaasadeed baa lagu fulin doonaa oo ku saleysan doqoni ma garatay, dublamaasiyad munaaqadeysan iyo madax salaax lugooya ah.

GELISAMISOMKENYAITOOBIYA

Dawlada cusub iyo shacabka Soomaaliyeed ha ku quus qaateen dhawr iyo labaatankii sanno oo bisadahaa Soomaali oo dhami isu dhiibtay iyagoo raba in mar keliya dawlad loo dhiso  iyo sida ay madaxdii ka horeysey waxba taa ugu socon waayeen. Jiirkaa Soomaaliya ahi si uu badbaado, waxa loo baahan yahay feker iyo istaatijiyad cusub oo qoto dheer oo khatarta iman karta u bareeri kara. Fekerkaa marka lala imanayo waa in niyada lagu hayaa in bisadahaa maanta gacan sareeyaa ay iyaganu tab iyo xeelad kala bedelan markasta dejin doonaan si goolkooda ah iney wada leqaan jiirka ay u gaadhaan. Hadda waxa cad in bisadu guusha wadato oo Soomaaliya qafisa adag adduunku u geliyeen.

ITOOBIYA hadda waxay rabtaa kumaanaan ciidan ku sheega oo kale iney dalka soo geliso, yaa ku dhici kara inuu yidhaahdo ma soo geli karto? ITOOBIYA uma baahna xitaa iney, sida KIINIYAATIGA, tidhaahdo AMISOM aan ka mid noqdo. SOOMAALIYA waxay ka dhigatay KILAL Itoobiya leedahay oo kale. Mar labaad THANKS TO AMISOM!!!.

Soomaali kastii, madaxda xukuumadu ay xitaa ku jirto, waa ogyihiin in Itoobiya iyo Kiiniya ciidankoodu aaney weligood Soomaaliya nabad ka dhalineyn laakiin nasiib xumo caalamkaa gardaradaa ku taageeraya. Soomaalidu waa agoon iyo rajo aan buur ay ku tiirsato lahayn, halka Itoobiya iyo Kiiniya gardaradooda caalamku ku abaal marinayo si Soomaaliya dabku uga sii shidnaado.

Waa nasiib daro in AMISOM lagu xusuusan doono ciidankii Soomaaliya gacanta u geliyey KIINIYAATI iyo ITOOBIYAAN baab’inaya, oo googoynaya, oo qasaya, oo dagaalkeeda joogteynaya. Taasi waa haddii AMISOM sidan sii ahaato oo aanay iska fogeyn ciidamada ITOOBIYA iyo KIINIYA ee SOOMAALIYA duminta wada. Ka aamusnaantoodu waxay la mid tahay iyagoo taageersan.

HADDII shalay madaxda Soomaalidu kuraasida isla dhici jireen marka la magcaabo ciidamo ITOOBIYAAN iyo KIINIYAAN ah (Frontline states) oo dalka soo gelaya, maanta sannaday iska dhexjoogaan, waxay doonaan bay ka sameeyaan, waxay ka odhan karaana ma jiraan. Soomaalidu ha ka fekereen berito waxa lagu khasbi doono haddii maanta sidan la yahay oo heerkan Soomalai la  gaadhsiiyey? Wax tan ka daran baa la moodaa in SOOMAALIYA lala damacsan yahay!!!

Halkan ka akhri qoraalka kale iyo sida AMISOM caqabad ugu tahay  in BOOLIIS Soomaaliyeed oo cusub iyo kuwii hore loo daayo, oo lagu aamino istayshanada xaafadaha ee lagu hayn doono dumarka, carruurta, hablaha, hooyooyinka, gabdhaha iyo shacabka Soomaaliyeed. Burundiis, Nayjeeriyaan, Siira Liyoon iyo Yugaadhiis ayaa lacag looga raadinayaa oo xaafadaha la dhex gelinayaa:

DUMARKA IYO CIYAALKA MUQDISHO OO AMISOM DIIDAY IN BOOLIIS SOOMAALIYEED LAGU AAMINO

Click THE LINK BELOW TO READ THE FULL ARTICLE:
‘The Somali government is in no position whatsoever to question the soldier that is standing at the gate of the presidential palace defending him from the attack from al Shabaab,’ said Omar Jamal, a diplomat with the Somali mission to the UN, in an interview with the Bureau.

‘Whoever comes trying to help them defeat al Shabaab, they are more than welcome… [but] they are given a licence to completely ignore any local or international law,’
…..

Ethiopia and other neighbours
…….

How many Ethiopian troops are still in the country is a mystery, although their forces are currently reported to be involved in an advance on Kismayo, a deep water port and the last stronghold of al Shabaab.
‘To be honest, no one knows,’ said EJ Hogendoorn from the International Crisis Group. ‘My guess is it’s definitely in the order of thousands.’

CLICK HERE FOR THE FULL ARTICLE:

US and others ‘given licence to ignore international law’ in Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*