27th April 2024  admin  Category :

Askariga madaxweyne kasta ee Soomaaliyeed daba ligan ma dhaqan Soomaali u gaar ah baa ileen caalamka intiisa kale ma sameeyaane

Madaxweyne_iyo_Sarkaalka_lebisan09bb

Madaxweyne_iyo_Sarkaalka_lebisan10a

Madaxweyne_iyo_Sarkaalka_lebisan2

 

Madaxweyne_iyo_Sarkaalka_lebisan_Xikmadeeda04

Madaxweyne_iyo_Sarkaalka_lebisan01b

 

 

Sawiradan badan ee kor ku jiraa waxay ku tusinayaan madax kala duwan, oo madaxweynayaal iyo ra’iisal wasaarayaal iyo kuwa hoose ku jiraan, oo Madaxweyne Xassan la kulmay siduu u qaabilay, meeshuu ku qaabilay, siday wax yihiin. Waxaa kaloo la arkayaa in aan calamadii dawladahaa aan meesha la dhigin iyo in qaar badan oo shaqaalaha madaxweynaha ka tirsani ay isdaba taagayaan wefdiyadaa dawladaha kale, iyagoo xitaa marmar mobile ka hadlaya, iwm.

Tusaale ahaan, Madaxweyne Xassan markuu waraaqaha aqoonsiga cid ka qabanayo, qaabilayo ama salaamayo shaqaalihiisu waa ku yaacaan oo is ag dhoobaan si ay sawirada ula galaan.

Wufuuda uu la kulmayo, hadduu yahay Madaxweyne iyo hadduu yahay shaqaale ah NGO, oo tusaale ahaan Nayroobi ka yimi, ma yaqaaniin faraqa u dhexeeya kuwaa iyo madaxda dawladaha, sida ay tahay in loo qaabilo, cida ay tahay iney la kulato, wefdigaa dadka ka socdaa waxay yihiin iyo dadka qaabilayaa waxay noqon karaan, cidda ay tahay inay soo dhoweyso, cidda ay tahay iney sagootiso.

Taa waxa ka daran, xitaa haddii weriye uu Madaxweynaha wareysi ugu yimaado waxay ku yidhaahdaan u istaag, ka hortag, albaabka ka furo, xafiiskaaga soo geli, soo dhowow dhe, weriyaha isaga ugu horeyn fadhiiso ku dhe adoo weli taagan. Marka intaa la duubayo shaqaalahiisu meelahaa agtiisa ah ayey istaagaan ama wada fadhiistaan iyagoo kamarada isu dhigaya oo qoslaya.

Villa Somalia waxay noqotay xilli duhura iyadoo ceelgaabtii la joogo oo kale.

Ceeba kale oo aad u tira badan oo loogu yeedhi karo “VILLA SOMALIA, FAWDADEEDA IYO FADEEXADEEDA” ayaa ummada Soomaaliyeed joogta u noqon doonta haddii kuwani sidan wax ku sii wadaan.

Madaxweynuhu waa inuu ogaadaa in “VILLA SOMALIA” aanay ahayn “Mac-hadkii SIMAD” ee uu professornimadii bugta ahayd, ee uu beenta ka sheegay, uu ku maamuli jirey. Ha ogaado in ay Villa Somalia tahay muraayadii qaranka Soomaaliyeed oo intuu joogay hadda kashiftay meela badan oo uu aad ugu liito.

Si ceebahaa loo joojiyo, maadaama xilligan ummada Soomaaliyeed dhawr iyo labaatan sanno fawdo ku jirtay oo shaqaale Soomaaliyeed oo aqoon iyo waaya-aragnimo dhab ah, oo ay dawlad dhisan ku maamulayeen aan la heleyn, waa in xal daacada ah la raadiyaa oo Soomaali ka baxsan. Soomaalidii dhawr iyo labaatan sanno ka hor wax maamulayey, iyadoo xitaa laga yaabo inaaney xilligaa aqoon badan ku gaarin jagadooda, yaan hadda si indha la’aana wax loogu dhiibin oo la daba gelin. Waxa haboon iyana in Soomaalida shahaadooyinka khaliga ah debeda kala yaacaya, ama meela yar oo aan dawladnimo shaqa ku lahayn muda ka shaqeeyey, iney is gartaan waxay qaban karaan iyo xaddidkooda oo aaney ummada Soomaaliyeed lugoyn.

Fadeexadahaa VILLA Soomaaliya ee soo noqnoqonaya si looga baxo dawlada Xassan waxa u haboon iney dawladaha Carabta ee dhisan ama Turkiga ka dalbato iney khubaro iyo shaqaale la hubo aqoontooda iyo waaya-aragnimadooda lagu kaalmeeyo oo gacanta loo geliyo anshaxa, protokolkii, asluub ilaalinta, xitaa sawir qaadida, iyo wixii xushmadda dawladnimo la xidhiidha, oo markaa shaqaalaha Soomaaliduna muddo ka hoos shaqeeyaan iyagoo sidaa tababar iyo waxbarasho practical ku helaya. Markay Soomaalidu isku filadaana ay dib ula wareegaan hawshaa.

Waa in laga jiraa in mashruucan oo kale NGO inta “contract” lagu siiyo markaa ay dad aan la aqoon, oo “khubaro” isku magcaaba meelahaa ka soo ururusadaan si ay lacag ugu cunaan, oo project wax ku cunida ka dhigtaan tababarka shaqaalaha Villa Somalia, sida hadda ay hay’ado badan oo dawlada taasi uga jirto oo ay noqdeen goobo NGOyadu lacag ku cunaan. Waa in la iska jiraa in goob tababar oo aan la aqoon inta dad Soomaali ah loo diro, iyadoo aan la hubin sida wax loo barayo, waxa la barayo iyo wax wax baraya, oo markay soo noqdaan dhawr shahaado la soo gudoonsiiyo oo la yidhaadho markaa la wareega hawlaha xafiiska madaxda.

Haddii VILLA SOMALIA indha adaygaa wax ku wadaan iyo hebel baa shahaada wata oo wax kala hagaya, maalin walba ummada Soomaaliyeed ceebo anshaxa, asluubta, sawir qaadista, qaabilida, iyo baratakoolka oo weyn bay ku dhici doonaan.

Aan halkan si gaara u fiirino dhaqanka askariga madaxwenaha daba istaaga oo  laga yaabo in dadka qaarkood  ay marar hore ku arkeen madaxda qaarkood, sida Madaxweyne Siyaad, isagoo daba taagan. Villa Soomaliya isma weydiin xikmada iyo ujeedada ka dambeysa taa iyo goorta la sameeyo ee xitaa masaajidkii bay askarigii iyo madaxweynii wada geliyeen!!!.

Dhaqanka Madaxweyne Xassan iyo askariga had iyo jeer meel kasta la daba ligan casrigan cusub dawladee ayaa sidan wax u sameysa oo lagaga dayanayaa? Waa maxay xikmada ka dambeysa oo xitaa keentay in salaada markuu Madaxweyne Xassan tukanayey la yidhi askarigiina adna tuko?

Hadduu Madaxweynuhu ducaysanayo, sujuudsan yahay, atixiyaadsanayo, wax cunayo, wufuud qaabilayo, shicib la shirayo, cidla taagan yahay, qof salaamayo, madaxweyne kale la kulmayo, suuqa marayo, madaar ka baxayo, iwm, qolada baratoolka Madaxweyne Xassan u heysaa waxay garteen in askarigaa, diktoonowda ku jira, la daba joojiyo. Kuwa sidaa sameynayaa waa kuwii hore u garan waayey inay calanka u dhigaan Madaxweynaha markuu la kulmayey madaxda kale ee calankooda watay. Askarigan, aan gaadhka ahayn, ee Madaxweynaha mar kasta la daba istaajiyey, Soomaalidii waxay ka dhigteen riwaayad Villa Somalia ka soo baxda oo ay ku qoslaan.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo u baahan yahay inuu taa askariga ku sii daro, sidii Shariifka, marka uu dalka uu madaxweynaha ka yahay ku soo noqonayo, in madaxda dawlada oo dhami madaarka kaga hortagto oo “red carpet” lagu soo dhoweeyo, salaanna ciidamada magac u yaalka ah uu madaarka kaga qaato, siday maalin hore u sameeyeen Madaxweyne Xassan. Sii wada askariga daba taagan iyo soo dhoweynta “red carpet”ka aad madaarka Xamar dhigataan, sidii madax waaweyn oo ah wefdi caalamka idiinka timi aad  soo dhoweyneysaan:). Villa Somalia Shaqadeeda ugu muhiimsani ilaalinta labadaa dhaqan ha noqoto:).

Dawladu ha sii wado dacaayada Radio Muqdisho iyo Telifishanka iyo websaytyada faafiso sida CIIDAMADA XOOGGA DALKA Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa AMISOM, KIINIYAATIGA, ITOOBIYAANKA ayaa meel hebla qabsaday (Sidii xilligii Amxaaradu dalka qabsatay dawladii Yuusuf iyo Geedi, iyo warbaahinta qorta wax kasta oo la sheego, u odhan jireen CIIDAMADA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya…). Ciidan aad naftiina ku aamintaan, hadda shacabku waa ogyihiin in aad qoriga AMISOM madax ku tihiin, marka la helo ayaa la odhan karaa ciidan shacabka ilaalin kara, oo cadawga jebin kara, ayaa jira. Dereja iyo direys beena nin kastii waa xidhan karaa, sida Idha-Cadde iyo kuwa la midka ahi.

ALLSANAAG, news@allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*