26th July 2024  admin  Category :

Xisaabiyaha Guud ee Qaranka oo siyaasiyiinta Dirta Waqooyi u sheegtay inanay  iyadu Guriga Khayre ka shaqayn ee ay Qaran u shaqayso

Xisaabiyaha Guud ee dowladda Faadumo Cusmaan Faarax ayaa ku eedeysay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya inuu faragelin ku haayo Xafiiskeeda, iyadoo u qortay warqad kulul oo ay ku ogeysiisay Wasaaradaha Xukuumadda, Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Warqadan oo ku taariikheysneyd 1-da bishan November oo ay heshay Jowhar.com ayaa cinwaan looga dhigay jawaab celin Faragelinta Xafiiska Xisaabiyaha Guud iyo Marin habaabinta Wasiirka Maaliyadda.

Xisaabiyaha Guud ayaa ku eedeysay Wasiirka Maaliyadda inuu xafiiskiisa ka socdo qas iyo xadgudub maamulka maaliyadeed ee dalka, iyadoo ka jawaabeysay warqad ka soo baxday Xafiiska Beyle 31 October, kaasoo ay ku tilmaamtay inuu ka muuqday handadaad iyo isku day la doonayo in lagu rabaayadeeyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud, si uusan u gudan waajibaadka qaanuuniga ah.

“Waxaan rabaa inaaninaan ku xusuusiyo labada Xafiis ee Wasiirka Maaliyadda iyo kan Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ay howlahooda kala madax banaan yihiin , waxaan kaloo ku xusuusinayaa in  shaqaalaha xafiiska Xisaabiyaha Guud aysan ka mid aheyn kuwa Wasaaradda Maaliyadda, aadna ku laheyn magacaabis”ayaa lagu yiri Warqada ka soo baxday xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*