27th July 2024  admin  Category :

Waa Kuma Xildhibaanka soo socda ee beesha reer Saalax iyo Bahwadaagtoodu?

Beesha reer Saalax ee Warsangeli, oo ah Beel ay Marabbidu Isaaqu tarbiyeesteen ay  ku yar tahay ama lahaynba, kana  mid ah beelaha Warsangeli kuwooda aadka ula dagaalama Alshabaabka iyo argagixisada, Beel ahaan intooda badan dal iyo dibadba  aaminsan  inay yihiin Puntlanders. Beesha reer Saalax iyo Bahwadaagtoodu waxay qayb libaax ama hormuud ka yihiin suurtalgalnimada jidka Ceel daahir inuu gaaro Ceerigaabo

Beesha reer Saalax iyo Bahwadaagtooda, ayaa maalmaha soo socda waxay iska soo dhex xuli doonaan xubintii Xildhibaan ee ay ku yeelan lahaayeen Baarlamaanka Puntland.

Murashaxiinta Xilkan u wada  ordaya ayaa wada ah Puntlanders, hase ahaatee waxaase ku dhex jira wakiil ay SNMtu soo maalgeliyeen oo isaguna ka soo jeeda beesha, sida muuqatana ay la socdaan qaar ka mid ah isimada Beeshu.

Beeshani  xaq waxay u leedahay inay qabataan  hogaanka Baarlamaanka Punland, si taa loo helona  waa inay Garowe u dirsadaan aqoonyahanadooda Puntland aaminsan. oo ka ilaaliyaan nin ay ka argagaxaan bulshada reer Puntland intooda kale

Ugu danbayntii waa lagamna maarmaan,  waana arin loo bahan yahay  in Guddi ay  beeshu u saarto kala reebreebka Murashaxiinta ay  qaarkood  yihiin Somaliland kuwana Puntland, si taa loo helana waa inay  doorasho dhacdaa oo meesha laga saaraa qof jeclaysi iyo isim kaligii wax magacaaba.  Maalmaha soo socda Bulshada reer Maakhir waxay indhaha ku hayaan magaalada Habar shiro , iyaga oo  rajenaya in Xildhibaan ay ku farxaan ay beesha Reer Saalax iyo Bahwadaagtoodu iska soo dhex xulaan. Guul ayaan u rajeenaynaa xubnaha aanu Puntland wadaa aminsanahay oo xilkan u tartamaya

ALLSANAAG,COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*