28th March 2024  admin  Category :

DDSI oo Gurmad Gaarsiisey Deegaamadii Lagu Dagaalamay ee Dhumay.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno jiidaha hore ee dagaalka ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu gaarey gurmadkii ugu cuslaa iyo gaadiid shixnadan oo uu madaxweynuhu u soo diray goobaha lagau dagaalamay ee ciidanku ku sugan yihiin.

Deeqdaan oo ah middii ugu horaysay ayaa waxaa deegaanka Dhummay ee gobolka Sool gaarsiiyey madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Mustaf Maxamed Cumar (Cagjar).

Gaadiid waa weyn oo Xamuul ah oo wada deeq dawooyin ah ayaa waxa ay afka saareen dhanka deegaanka Dhumay ee gobolka Sool oo ay ku baracakeen colaadii ka dhacday deegaankaasi Kumanaan qoys, waxaana uu madaxweyne Cagjar noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyey ee deeq u dira deegaankaasi.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*