28th March 2024  admin  Category :

Guddoomiyihii ugu Horeeyay ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Yuusuf Xaaji Siciid Maxamuud “Madaxay”, ayaa ku Guuleystay Kursi kamid ah Golaha Wakiilada Puntland, Kaddib Markii ay Shaaciyeen Waxgaradka Beeshiisa.

Munaasabad Balaaran oo ay Cuqaasha iyo Waxgaradka Beesha Cismaan Ugaaryahan ee Ugaaryahan Haaruun, Dubays, Warsangali, Qabteen ay ku Sheegeen in Yuusuf Xaaji Siciid Madaxay, ay u soo Xuleen inuu ku Matalo Baarlamaanka Puntland.

Odayaasha Dhaqanka Beesha Ugaaryahan Haaruun, Dubays, ayaa Sheegay in Yuusuf Xaaji, uu yahay Nin Wanaag iyo Aqoon Kulansaday ayna u soo Xusheen inuu ku Matalo Beesha Baarlamaanka Puntland, si uu ugu Adeego Shacabka Puntland iyo Guud ahaan Soomaalida.

Xildhibaan Yuusuf Xaaji Siciid, ayaa Munaasabadda ka Sheegay inuu aad ugu Faraxsan yahay inuu kamid noqdo Golaha Wakiilada Puntland ee Imaanaya 2019-ka, Isagoona Qiray inuu ku Dadaali doono sidii uu uga Dhabeyn lahaa Matalaada Shacabka Puntland.

Xildhibaan Yuusuf Xaaji Siciid, ayaa ku Dhawaaqay inuu yahay Musharax u Taagan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland oo uu Doonayo inuu Mar kale Hoggaamiyo, Waxaana uu ugu baaqay Bulshada Puntland Midnimo iyo Wadajir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*