18th April 2024  admin  Category :

Dowladda Puntland oo Soo Bandhigtay Caddaymaha Xiriirka SNM iyo Alshabab.

Gudiga difaaca dowladda Puntland oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa waxa uu war ka soo saaray hadalo dhowaan ka soo yeeray masuuliyiin katirsan Soomaaliland oo sheegay in Alshabaabkii Puntland laysay ay ahaayeen dad aan waxba galabsan.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde) oo akhrinayey war saxaafadeed ka soo baxay dowladda Puntland ayaa waxa uu sheegay in maamulka Soomaaliland uu caddaystay xiriirka uu laleeyahay Alshabaab kadib markii uu sheegay in raggii weeraray Saldhigga Balli-khadar iyo kuwii ciidanka Puntland laayeen ay ahaayeen dhalinyaro aan waxba galabsan.

Mudane Timacadde ayaa sheegay in wiilka uu dhalay Faysal Cali Waraabe oo katirsanaa Alshabaabkii loo soo diray Puntland oo ka cararay uu ugu dambayntii isku qarxiyey wadanka Suuriya, iyadoona dowladda Puntland ay ugu baaqday caalamka inay baaritaan ka furaan xiriirka Alshabaab iyo Soomaaliland.

Dhanka kalena, afhayeenka madaxtooyada dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel ayaa ardayda reer Puntland ee ku sugan deegaamada Soomaaliland ugu baaqay inay deegaamadooda ku soo laabtaan haddii ay dareemaan ammaan xumo.

https://youtu.be/TNOUPCRcF6E

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*